4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Soomaaliya iyo Waayo Aragnimada Siyaasadeed
fiogf49gjkf0d

by Dr. Cadceed Warsame
Thursday, May 29, 2008


by Dr. Cadceed Warsame
Thursday, May 29, 2008

 

SYL (Somali Youth League) oo maanta weli ah astaan ay Soomaalidu ku faanaan ayaa waxaa lagu aasaasay magaalada Muqdisho 1943dii iyadoo markii hore loo yiqiin SYC (Somali Youth Club).  1947 ayaa magacii waxaa loo bedelay SYL.  SYL waxay ka koobnaayeen seddex iyo toban dhalinyaro ah oo aysan aqoontoodu dhaafsiisneyn heer dugsi hoose.  Hase ahaatee, in kastoo heerka waxbarashadoodu ay yarayd, siyaasadahoodu waxay ahaayeen kuwo horumarsan oo xitaa maanta Soomaaliya ay qaadan karto.  Tusaale ahaan waxay mamnuuceen qabyaalaysiga halka maanta Soomaalidu xitaa jagooyinka dowladda lagu qeybsado qabiil. Waxay waxbarsho u rabeen dadka Soomaaliyeed oo dhan iyo in la qoro luqadda Soomaaliga.  SYL waxay rabeen in ay difaacaan danaha dadka Soomaaliyeed oo dhan, waxayna aad ugu halgameen xornimada iyo israaca Soomaalida oo dhan.  Aasaasayashii SYL iyo xubnihii xisbiga  oo muddo seddex sano gudahood ah uu namberkoodu dhaafay 25,000, waxaa loo aqoonsanyahay in ahaayeen waddaniyiin dhab ah oo diyaar u ahaa in ay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda.  Hase yeeshee, heerka ay wadaninimadoodu gaarsiisan tahay awgeed Soomalidu uma aysan arkin wax weyn gafafkii ay galeen.

 

Xaqiiqadii gafkii ugu horeeyey ee ay galeen SYL waxay aheyd kadib Dagaal Weynihii Labaad ee Aduunku markii ay dowladda Ingiriisku kala hadashay SYL in ay iyadu Soomaaliya sii maamusho ama dusha ka ilaaliso mudo shan ilaa toban sano ah  waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Trusteeship”.  Haddii ay taas ogolaadaanna shanta qeybood ee Soomaaliya loo qeybiyey la isu keeni doono.  SYL markii hore waa ay ogolaadeen arrintaa.  Waxaa markaa Soomaaliya yimid guddi ka kooban afar dowladood oo ay ka mid ahaayeen Maraykan, Midowga Soofiyeeti, Ingiriiska iyo Fransiiska si ay u hubiyaan waxa ay Soomalidu rabtay.  SYL waxay yiraahdeen anagu Ingiriis iyo Talyaani midna ma rabno ee waxaanu doorbideynaa in afarta dowladood ay iyagu korka naga ilaaliyaan.  Ingiriisku arrintaa waa uu ka xumaaday Soomaaliyana sideedii ayaa loo daayey ilaa maantana ay dhibaatadeedu ku saleysan tahay.  SYL waxay ahaayeen dhalinyaro wadaniyiin ah gafka ay galeenna waxaa kasbay heerka aqoontooda.

 

Maxay tahay casharka aan ka baran karno taariikhdaas haddii aannu nahay dhalinyarada, iyo aqoon yahanada maanta?

 

Marka ugu horeysa  maanta waannu ka waayo aragsannahay kana aqoon badan nahay dhalinyaradii SYL taasoo ay keentay duruufaha jira awgeed.  Waxaannu ognahay in aduunku uu maanta ku dhisan yahay  masaalix oo uu ku dhisan yahay “I jiid aan ku jiidee” ama waxa loo yaqaan “give and take” oo aysan dunidu ku dhisnayn waxaan rabo kaliya ayaa soconaya.  Marka horta inta aannaan gaarin dunida inteeda kale, sidee baan dhexdeena u wanaajinaa haddii aan Soomaali nahay? Siddee uga baxnaa mashaakilaadka qabiilka iyo mabaadiida (ideology) kala duwan?

 

Waxaannu ogsoonnahay in haddii aan Soomaali nahay waxyaabaha isu kaaya keeni kara ay ka badan yihiin waxyaalaha na kala fogeyn kara.  Marka aan intaas fahanno waxaan u imaan karnaa gobolka (Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti) oo iyada kaliya aanan u baahnayn xallin ee ay waayahan dambe ku soo biireen wadamo kale ciyaarta la ciyaarsiinayo Soomaaliya ama danaha ay qolo kasta ka leedahay Soomaaliya kuwaasoo kala duwan  hase yeeshee ay ka mideysan yihiin dhibaatada ay Soomaaliya gaarsiinayaan  si ay iyagu u gaaraan danahooda gaarka ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Masar, Liibiya, Qadar, Suudaan, Iiraan iyo Eritareeya.

 

Waxaa kaloo isweydiin leh side baannu u gaarsiinnaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Yurub, Ameerika, Awstereeliya iyo Aasiyaba kuwaasoo wadamo ka mid ahi ay Soomaaliya isticmaarsan jireen.  Ma aha in aan meel kaliya ka taagnaano oo aan niraahno waa ay na isticmaarsan jireen sidaas darted lama heshiineyno – waana sida ay dadka qaarkood qabaane.  Bal aan fiirino xitaa Yurub dhexdeeda dagaalkii labaad ee dunida ee dhex maray iyo heerka ay manta ka taagan yihiin.  Tusaale ahaan Jarmalku waxa uu Faransiis iyo Ruushba gaarsiiyey khasaarooyin waaweyn iyo sida ay uga heshiiyeen.  Manta Jarmal, Fransiis iyo Ruushba waa saaxiibo.  Siiba Jarmal iyo Faransiis oo uu ka dhexeeyo xiriir israac oo ay labaduba ka mid yihiin midowga Yurub, lehna xiriir dhaqaale iyo mid ganacsiba. 

 

Marka danteenu waxay ku jirtaa in aan la heshiino dadkii shalay na gumeysan jiray oo aan ka faa’iideysano wanaaga ay noo muujiyeen kadib markii aan inagoo Soomaali isla ah burbur isu geysannay.  Sidoo kale carabta iyo Israil oo uu dagaal taariikhi ah ka dhexeeyey waa ay is aqoonsadeen manta. Waanu wada ogsoonahay in wadamadaasu ay soo dhoweeyeen dadkeenii qaxootiga ku noqday wadamadooda oo aannu ka helnay run ahaantii waxyaalo aannaan ka helin wadamadii aan islahayn waa walaalihiin oo kala ah Dunida Carabta iyo Dunida Islaamka.

 

Sidaas darted, dhacdooyinkii usbuucyadii la soo dhaafay waxay na geliyeen yididiilo hor leh iyo in ay Soomaali heshiin karto waxna wada qabsan karto haddii caqligu uu taliyo.  Taas waxaa tusaale u ah Shirkii dhowaan Jabuuti ka dhacay oo ah mid ay qaban qaabisay United Nation-ka ayaa shuruud la’aan ay Dowladda Ku Meel Gaarka ah iyo Mucaaradkuba ku tageen Jabuuti iyadoo oo taakooyin shirka carqaladeeya aysan isu dhigin, qolona qoloda kale aysan ku cambaareyn Itoobiya ayaad la jirtaan iyo Eritareeya ayaad la jirtaan oo uu hal qabsigoodu ahaa maxaa inoo dan ah, side baanse u bad baadinaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed inakoo ogsoon in xabadi aysan xal ahayn oo ay ka doorbideen walaalow kaalay aan heshiino, gacmaha aan isqabsano anaga oo isku lab furan.

 

Waxaa qorsheysan in qeybtii labaad ee wada hadalka Dowladda iyo mucaaradku uu ka furmo Jabuuti horaanta bisha Juun.  Ma laga yaabaa in Jabuuti ay ciyaarto dowrkii ay Qadar ka ciyaartay xaaladda siyaasadeed ee Lubnaan oo usbuucyadii la so dhaafay ay xaalad xasilooni daro ah ka jirtay hase yeeshee wada hadalkii Doha ka dib ay suura gashay in Madaxweyne la doorto xasiloonidiina ay soo noqoto?

 

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dadka indheer garadka ah iyo kuwa waayo araga ah, dhalin yarada, dumarka (oo aan qabo in ay ka wadanisan yihiin ragga), iyo aqoon yahanada in inta aysku yimaadaan ka tashadaan aayahooda dambe iyo siday u soo nooleyn lahaayeen qarankoodii burburay sidii SYL ay yeeshay nus qarni ka hor.


Dr. Cadceed Warsame
E-mail: [email protected]