 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
|
Xubnaha labada gole ee Jowhar oo si shuruud la'aan ah u soo dhaweeyay go'aankii xubnaha labada gole ee Muqdisho
 |
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa
Sawirka: by Sidii |
Axad, November 20, 2005(HOL): Xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka, kuwooda ku sugan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta shir ay xaruntooda Jowhar ku yeesheen waxay si shuruud la'aan ah ugu soo dhaweeyeen go'aankii ay dhawaan xubnaha labada gole ee Muqdisho ku gaareen in la soo af-jaro khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Shirkii Maanta Jowhar ka dhacay oo uu ka qeybgalay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay xubnaha Dowladda ee Jowhar ku soo dhaweeyeen go'aankaas, iyadoo gunaanadkiisiina uu saxaafadda la hadlayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa.
Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in xubnaha Dowladda ee Jowhar ku sugan ay si shuruud la'aan ah oo Walaalnimo iyo Soomaalinimo ku jirto ay u soo dhaweynayaan go'aankii xubnaha Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, isagoo carrabka ku dhuftay in go'aankaas uu ahaa mid yididiilo gelinaya dib u heshiisiinta, isla markaana albaab u furaya wada hadallo dhexmara xubnaha Dowladda Federaalka ee khilaafka u dhaxeeyo.
Prof. Dalxa isagoo ka wakiil ah xubnaha Dowladda Federaalka ee Jowhar ku sugan waxaa uu u mahadceliyay dadkii isku howlay in wada hadallo laga dhex furo dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in ay go'aankaas sidoo kale si weyn ugu farxayaan dadka Soomaaliyeed oo wax qabad ka sugaya Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
 |
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baarlamaanka
Prof. Maxamed Cumar Dalxa
Sawirka: by Sidii |
Prof. Dalxa mar uu ka hadlayay halka lagu qabanayo wada hadalladaas iyo waxa looga hadlayo waxaa uu sheegay in arrintaas ay tahay mid aan lagu deg degeynin, isla markaana guddi farsamo oo arrimahaas ka soo shaqeeya la magacaabayo.
Xubno ka tirsan labada gole ee Jowhar ku sugan ayaa shir ay yeesheen dabayaaqada todobaadkii hore waxay ku sheegeen in aaney caddeyn waxyaabaha ay ka tanaasuleen xubnaha labada gole ee Muqdisho, isla markaana ay doonayaan in ay qoraal ku muujiyaan waxa ay doonayaan, iyadoo hadalkaasi oo dabcan u muuqday mid aan loo dhameyn-na ay ka jawaabeen xubno Muqdisho ku sugan oo ay ka mid yihiin Maxamed Qanyare Afrax, iyo Cumar Xaashi Aadan, kuwaasi oo sheegay in ay weligoodba xubnaha labada gole sidaas u wada xiriiri jireen, isla markaana aysan ka dhaxeynin warqado isu gudbin.
Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa shir ay isugu yimaadeen 15-kii bishan waxaa ay ku caddeeyeen in ay diyaar u yihiin wada hadallo dhexmara dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee khilaafka u dhaxeeyo, inkastoo go'aankoodaas oo qoraal ahaan noo soo gaarayna aan lagu xusin waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadli doonaan, marka laga reebo in ay kaliya ogol yihiin in la wada hadlo.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee waa tallaabo lagu farxo oo ay xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u qaadeen dhinaca heshiis ay ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya, iyadoo heshiiskoodana ay dan weyn ugu jirto shacabka Soomaaliyeed oo muddo 15 sano ah aan helin Dowlad shaqeysa oo u soo celisa adeegyadii ay u baahnaayeen, gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada, Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia |
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
|
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo filaya lacag Hal milyan oo Doollar ah in uu kula soo laabto Magaalada Muqdisho
Axad, November 20, 2005(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa la soo weriyay in uu halkaasi ku sugayo lacag gaareysa hal Milyan oo Doollarka Mareykanka oo sida la sheegay qeyb ka ahayd dhaqaalihii ay Dowladda Talyaaniga ugu deeqday in lagu hormariyo lix gobol oo ka tirsan Soomaaliya, lacagtaas oo gaareysay 2.5 Milyan oo Doollar.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa la sheegay in helitaanka lacagtaas ay kaga xiran tahay dib u soo laabashada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah oo haatan socdaal ku maraya dalal ka tirsan Yurub, isagoo lacagtaas halka Milyan ee Doollar ahna sida la sheegayo wax uga qaban doono horumarinta 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.
Dhanka kalena, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in maamulka Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamuud Xasan Cali (Cadde) dib u habeyn lagu sameyn doono, si uu u noqdo maamul awood leh oo Muqdisho dhibaatada taala wax ka qaban kara, inkastooba la leeyahay waxaa dhici karta in maamulkaas madaxdiisa wax laga bedelo, isla markaana loo dhiibo kuwo awood howl fulineed leh oo qorshooyin cad wata.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia |
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
|
Cabsidii ku Safarka Dhulka ee Gobollada Dalka Soomaaliya oo Diyaarad bedesha loo helay
Axad, November 20, 2005(HOL): Muddo 15 sano ah kadib ayaa markii ugu horeysay ay diyaarad ka shaqeyneysaa in ay rakaabka isaga gudbiso gobollada gudaha Dalka Soomaaliya, iyadoo shirkadda diyaaraddan la sheegay in ay howsheeda bilowday dhawaantan.
Shirkaddan oo lagu magacaabo Mudan Airlines ayaa isaga gooshi doonta magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Boosaaso, iyadoo la sheegayo in qofkiiba uu halkii Duulimaad sida Ciseley-Jowhar uu bixinayo lacag gaareysa 50US$.
Wararku waxay sheegayaan in baahida diyaaraddan ay ka dhalatay kala xirnaanshaha qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya, taasoo inta badan dhib weyn ku noqotay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku jira dowladda Federaalka ee ku kala sugan gobollada Soomaaliya, iyadoo la sheegay in diyaaraddan ay ahayd middii Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi dib ugu celisay Magaalada Jowhar markii uu dhawaantan gaaray magaalada Muqdisho.
Ganacsato ka soo kala jeeda Deegaanada Puntland iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayay wararku sheegayaan in ay yihiin maamulayaasha ugu sareeya ee shirkaddan, iyadoo uu mid ka mid ah u sheegay HOL in ay ku fidin doonaan howlahooda deegaanada kale ee Soomaaliya, inkastoo ay jiraan dad ay la yaab ku noqon karto in Muqdisho iyo Jowhar dhexdooda diyaarad loo raaco, walow dadka sidaas qaba ay yihiin kuwo aan wax baqdin ka qabin in ay socdaal dhulka ah ku tagaan magaalada Jowhar.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia |
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
|
Xildhibaan Seeraar oo laba sano kadib isaga iyo Taliyaha Ciidamada Isbaheysiga Dooxada Jubba ku wajahan Kismaayo iyagoo aad u hubeysan
Axad, November 20, 2005(HOL): Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud Seeraar oo dhinaca kale ah Guddoomiye ku xigeenka Isbaheysiga Dooxada Jubba ayay warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan in muddo labo sanadood ah oo uu ka maqnaa gobolka Jubada hoose uu todobaadkan dib ugu laabanayo magaalada Kismaayo oo xarun u ah Isbaheysigaas.
Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaan Seeraar oo uu la socdo Taliyaha ciidamada Isbaheysiga Dooxada Jubba Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) ay maalmaha soo socda ka amba bixi doonaan Magaalada Muqdisho, iyagoo weliba aad u hubeysan.
Safarka ay xubnahan ugu jeedaan magaalada Kismaayo ayay wararku sheegayaan in ay la xiriirto sidii ay Guddoomiyaha Isbaheysigaas, ahna wasiir ka tirsan Xukuumadda Dowladda Federaalka Col. Barre Hiiraale uga wada xaajoon lahaayeen hindisihii uu soo bandhigay ee ahaa in uu magaalada Kismaayo ku heshiisiinayo xubnaha is-khilaafsan ee Dowladda Federaalka.
Wararka qaarkood ayaase sheegaya in safarkooda xiligan aanu ahayn mid loo qaadan karo in uu khilaaf soo kala dhexgalay labada dhinac ee wada dhistay isbaheysiga Dooxada Jubba, iyadoo la sheegayo in Xildhibaan Seeraar uu doonayo sidii ay wada jir magaalada Kismaayo ugu martigelin lahaayeen xubnaha Dowladda Federaalka ee uu khilaafka u dhaxeeyo haddii uu meel mar noqdo hindisaha uu dhawaan soo bandhigay Barre Hiiraale.
Xildhibaan Yuusuf Seeraar iyo Xildhibaan Barre Hiraale oo Isbaheysanaya ayaa ciidamo ka amar qaata waxay gacanta ku hayaan deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka, iyadoo halkaasina dabayaaqadii sagaashameeyadii ay ka qabsadeen Jen. Moorgan oo horay uga talin jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia |
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
|
Shariif Xasan oo Xubnaha Baarlamaanka ee Muqdisho kula dardaarmay in ay ka fogaadaan Hadallada sii hurinaya khilaafka Dowladda Federaalka ka dhex jira
Axad, November 20, 2005(HOL): Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dabayaaqadii todobaadkii hore hoygiisa kula hadlayay qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee Muqdisho ku sugan ayaa la soo weriyay in uu kula dardaarmay in ay ka fogaadaan hadallada sii hurin kara khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka ee la isaga gudbinayo qalabka warbaahinta.
Dardaaranka Shariif Xasan ayay wararku sheegayaan in uu ka dambeeyay hadal ay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan aad uga xumaadeen oo ka soo yeeray Wasiirka Amniga Qaranka, kaasi oo ahaa in xilalka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay yihiin kuwo sheegasho ah.
Wararku waxay sheegayaan in qaar ka mid ah Xildhibaanada laga hor joogsaday kulan ay shalay ku yeesheen Hotelka Saxafi in ay eedeynta arrintaas dusha uga tuuraan Wasiirka Amniga, wuxuuna mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka uu sheegay in Qanyare uu yahay ninka la hubo in uu doortay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isla markaana ay gef ku tahay in uu jagadiisa ku tilmaamo mid sheegasho ah.
Dhinaca kalena, kulankii shalay ee xubnaha labada gole ee Muqdisho ayaa la soo weriyay in si weyn la isugu khilaafay in Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi lagu soo eedeeyo Qiyaamo Qaran, iyadoo loo cuskanayo in uu yiri "Somaliland haddii ay beesha Caalamka aqoonsi ka heleyso annaguna waxba kama qabno", waxayna wararku sheegayaan in eedeyntan ay ahayd mid ay gadaal ka riixayeen qaar ka mid ah Wasiirrada hubeysan ee Muqdisho ku sugan
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia |
|
|
|
|
|
|
|
|
 |
|
 |