UN Report

2007 DV




Wararka Maanta - Talaado - Nofember 15, 2005










·
· Xildhibaan Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo Ra'iisal Wasaare Geedi ku eedeeyay in uu galay Qiyaamo Qaran
· Golaha Baraarujinta Shacabka Soomaaliyeed oo Cambaareeyay xukun Toogasho iyo Xabsi Daa'in isugu jiray oo ay shalay riday Maxkamadda sare ee Somaliland
  Guddoomiye uu Ra'iisal Wasaare Geedi u magacaabay Degmada Baardheere oo mucaaradnimo lagala horyimid
  Ugaas Cali oo sheegay in xubnaha labada gole ee Muqdisho ay sameynayaan Maamul Gobol Banaadir oo keenaya dagaal iyo fowdo
  Ra'iisal Wasaare Geedi oo socdaal uu ku tegay Talyaaniga kadib ku sii jeeda Dalka Belgium












Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo maanta ogolaaday in ay wada hadallo la yeeshaan xubnaha ka soo horjeeda ee Jowhar ku sugan

Talaado, November 15, 2005(HOL): Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka kuwooda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin wada hadallo ay la yeeshaan Xubnaha Labada gole ee Jowhar ku sugan.

Wasiiru dowladaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Md. C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane ayaa shirkaasi kadib saxafiyiinta u sheegay in ay isku waafaqeen in ay qaataan Barnaamij Dib u heshiisiin ah oo sida uu yiri uu soo hordhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, kaasi oo ahaa in la ogolaado wada hadallo dhexmara labada dhinac ee dowadda Federaalka, iyadoo aanan shuruud lagu xireynin meesha uu kualnkaas ka dhici doono gudaha dalka ama dibaddiisa.

Wasiiru-Dowlaha waxaa kale oo uu sheegay in ay dabacsanaantaas u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed oo ku jira xaalad xasaasi ah darteed, isagoo sida uu yiri ka tanaasulay ku dheganaantoodii ahayd in ay dhexdhexaadiyaan UN-ka, balse waxaa uu carabaabay in ay soo jeediyeen in uu Adduunka goob joog ahaado oo markaasina uu marqaati ka noqdo waxa ay ku heshiiyaan.

"Mudadii shirka socday waxaa la isku waafaqay in barnaamij dib u heshiisiin ah oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka keenay la qaado, kaasi oo ah in labada dhinac ee dowladda Federaalka ay wada hadlaan, iyadoo shacabka loo tanaasulayo"ayuu yiri Xildhibaan Dhaqane oo sheegay in ay dhinacooda Muqdisho dhowr jeer oo hore isugu dayeen in la wada hadlo.

Xildhibaan Dhaqane waxaa kale oo uu sheegay in ay maanta ka wada hadleen arrin ku saabsaneyd shir ay Golaha Wasiirrada ku yeesheen Jowhar 23-kii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay, kaasi oo sida uu yiri lagu kala goo-goynayay dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay arrintaas ka soo saareen baaq ah in aan lagu deg degin arrintaas tan iyo inta la isaga imaanayo oo ay dhinacyada Dowladda ka heshiinayaan.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wuxuu ahaa kulankii caadiga ahaa ee ay Xubnaha labada gole ee Muqdisho isugu imaan jireen maalmaha Sabtida iyo Talaadada.

Wasiirka dib u dhiska iyo Dib u dejinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa mar uu dhawaan Muqdisho tegay waxaa uu xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee labada garab u kala jabay uu ka dhex bilaabay dadaal wada hadallo looga dhex furayay, inkastoo dadaalkaas uu miro dhal noqon waayay, isla markaana uu dib Kismaayo ugu laabtay isagoo aan wax natiijo ah gaarin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Xildhibaan Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo Ra'iisal Wasaare Geedi ku eedeeyay in uu galay Qiyaamo Qaran

Talaado, November 15, 2005(HOL): Xildhibaan Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo ka tirsan Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday kadib markii uu soo dhamaaday kulan uu uga qeybgalay Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho in Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi uu galay Qiyaamo Qaran.

Sababta uu eedeyntaas weyn ugu jeediyay Ra'iisal Wasaaaha ayuu ku sheegay Xildhibaanka in ay la xiriirto hadal uu Ra'iisal Wasaaraha Jimcihii dhaweyd ka sheegay BBC-da mar uu ka jawaabayay su'aalo ay dadweynaha si toos ah u weydiinayeen, kaasi oo ahaa in uu aqoonsanayo gooni isu taagga Somaliland, haddii ay beesha Caalamka aqoonsi siiso.

Avv. Xasan Dhimbil Warsame waxaa uu sheegay in Axdiga KMG ah ee saldhigga looga dhigay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed uu dhigayo in madax bannaanida iyo wada jir dhuleed ee dalka Soomaaliya aan lagu xadgudbi karin, sidaas darteedna uu Ra'iisal Wasaaraha qodobadaas ku xadgudbay.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in ay ajendahaas geeyeen Baarlamaanka balse aan maanta laga doodin, inkastoo uu xusay in looga hadli doono kulamada soo socda ee ay isugu imaan doonaan xubnaha labada gole ee Muqdisho.

Dhanka kalena, Xildhibaan Xasan Dhimbil waxaa uu shaaca ka qaaday in Xildhibaan kale uu shirkii maanta ka sheegay in diyaarad u kireysan shirkad diyaaradeed oo lagu magaacbo Mudan, isla markaana sida lacag Shillin Soomaali ah oo dibadda lagu soo daabacay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Dubai, inkastoo uusan Xildhibaanku caddeynin halka ay lacagtaas ku socotay Jowhar iyo Boosaaso intaba, bacdamaa sida uu yiri Shirkaddaas ay ka diiwaangashan tahay Magaalada Boosaaso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Golaha Baraarujinta Shacabka Soomaaliyeed oo Cambaareeyay xukun Toogasho iyo Xabsi Daa'in isugu jiray oo ay shalay riday Maxkamadda sare ee Somaliland

Talaado, November 15, 2005(HOL): Golaha Baraarujinta Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta wuxuu si weyn ugu eedeeyay maamulka Somaliland xukun uu ku riday Dad Muslimiin ah, iyadoo arrintaasna lagu raaligelinayo Dad Gaalo ah, waa sida uu sheegay Afhayeenka Golahaas Sh. Yaxye Sh. Axmed Ismaaciile.

Shiikh Yaxye waxaa uu sheegay in xukunka ay riday Maxkamadda Sare ee Somaliland uu ahaa mid xadgudub ah oo loo geystay dad Muslimiin ah, wuxuuna caddeeyay in Diinta Islaamka aysan ogoleyn in qof muslim ah loo dilo Qof gaal ah, "Dunida oo la bur buriyo macal Kacbada iyo qof Islaam ah oo la dilo waxaa dhib yar Dunida oo la bur buriyo, marka raali kama noqon karno in aan fiirsanno dad Islaam ah oo si aan sharci ahayn loo dilayo"ayuuna Shiikh Yaxye hadalkiisa ku sii daray.

Golaha Baraarujinta Shacabka Soomaaliyeed oo xukunkaas warsaxaafadeed ka soo saaray wuxuu intaas ku daray in Maamulka Somaliland uu ugu baaqayo in uu ka laabto xukunkaas oo lagu riday 15 ruux oo lagu kala xukumay Toogasho iyo Xabsi daa'in, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen Dilal ka dhacay deegaano ka tirsan Somaliland iyo falal kale oo Argagixiso-nimo lagu sheegay.

Hadalkan ka soo baxay Golaha Baraarujinta Shacabka SOomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay Maxkamadda sare ee Somaliland ay xukun ku riday 15 ruux oo qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah, halka kuwa kalena lagu xukumay Xabsi Daa'in.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa sheegay in 8 ka mid ah dadkaasi lagu xukumay dil toogasho ah, halka 7 kalena lagu xukumay xabsi daa'in kadib markii lagu helay in ay dileen dad samafalayaal ahaa oo ku sugnaa Somaliland.

Dadkaas xukunka lagu riday ayaa intooda badan waxaa loo heystay inay ka dambeeyeen dilkii Nin iyo Naag is-qabay oo macallimiin ka ahaa Dugsi ku yaala Degamda Shiikh oo 120km bariga kaga toosan magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Somaliland, kuwaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Britain. Sidoo kalena waxaa loo heystay dilkii haweeney samafalad ahayd oo lagu magacaabi jiray Annalena Tonelli, taasi oo iyadana ka soo jeeday dalka Talyaaniga iyo weliba Haweeneyd Kenya u dhalatay oo iyana u shaqeyneysay Hay'adda Jarmalka ee GTZ.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Guddoomiye uu Ra'iisal Wasaare Geedi u magacaabay Degmada Baardheere oo mucaaradnimo lagala horyimid

Talaado, November 15, 2005(HOL): Xildhibaan C/fataax Sh Ibraahim Rashiid ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in ninka uu Ra'iisal Wasaare Geedi u magacaabay Degmada Baardheere uu yahay nin aaney dadka deegaankaas raali ka ahayn.

Xildhibaankan waxaa uu sheegay in haddii maamul loo sameynayo Degmadaas oo hoos tagta Gobolka Gedo ay tahay in ay dadka deegaankaas ka tashadaan aayaha gobolkooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in magacaabista uu sameyeeyay Ra'iisal Wasaaraha ay tahay mid dhibaato dhex dhigeysa dadka gobolka, isla markaana iska hor keeneysa.

Xildhibaan C/fataax waxaa uu Ra'iisal Wasaare Geedi ku eedeeyay in uu horay u magacaabay maamulka gobolka Hiiraan, kadibna ay dadkii gobolka iska hor yimaadeen, haatanna sida uu yiri uu doonayo in uu dhibaato kale ka dhex abuuro dadka Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Baardheere.

Maamulladii uu u magacaabay Ra'iisal Wasaare Geedi Gobollada Banaadir iyo gobolka Hiiraan ayaa mucaaraddo laga hor imaanayaa, iyadoo lagu tilmaamayo maamulladaas in aysan sharci ahayn, inkastoo ay jiraan dad gobolladaas ku sugan oo taageeray magacaabista uu Ra'iisal Wasaare Geedi sameeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Ugaas Cali oo sheegay in xubnaha labada gole ee Muqdisho ay sameynayaan Maamul Gobol Banaadir oo keenaya dagaal iyo fowdo

Talaado, November 15, 2005(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta markii ugu horeysay ku shiray Xarunta Gobolka Banaadir ee Degmada Xamarweyne ayaa sharci ku tilmaamay guddi ay xubnaha labada gole ee Muqdisho dhawaan ansixiyeen, kuwaasi oo loo xil saaray in ay maamul u sameeyaan golaha Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadgelyada Md. Cali Maxamed Cali (Ugaas Cali) ayaa sheegay in xubnaha labada gole ee Muqdisho ay si bareer ah ugu xadgudbeen Axdiga ay ku fadhido Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, "Nin Xildhibaan ah oo maalin dhaweyd hadlayay ayaa la weydiiyay mar ay wax ansixineyseen ma heysataan Kooram, markaasuu yiri Kooram looma baahna, , hadde waa nin Xildhibaan ah ninka sidaas leh" ayuu yiri Ugaas Cali oo sheegay in maamulka ay xubnaha labada gole ee Muqdisho u dhisayaan gobolka Banaadir uu yahay mid fowdo iyo dagaallo sokeeye dib u soo cusbooneysiinaya haddii aan laga joogin.

Ugaas Cali waxaa uu sheegay in howsha maamul u sameynta Gobolka ay u taalo Ra'iisal Wasaare Geedi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Inj. Xuseen Maxamed Caydiid, wuxuuna caddeeyay in xubnaha Dowladda ee Muqdisho jooga ay yihiin kuwo ujeedooyin kale leh, "Maamul ay soo magacaabeen Hay'adihii sharciga u lahaa oo laga dul keeno maamul kale waaye waxa ay doonayaan xubnaha labada gole ee Muqdisho, taasina waxaa nooga muuqanayo waxa weeye in isku dhac uu ka yimaado" ayuuna mar kale yiri.

"Golaha Baarlamaanka waa sharci dejin, howshoodana ma ahan maamul sameyn, sidaasi darteed sharci ma noqoneyso in ay yiraahdaan waxaan maamul u dhiseynaa gobolka Banaadir"ayuu mar kale yiri Ugaas Cali oo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan wax uu ku sheegay qatar ka soo socota xubnaha labada gole ee Muqdisho.

Ugu dambeyntiina Xubnaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulankoodii maanta waxay ka soo saareen qodobo ay ka mid ahaayeen in Bulshada Soomaaliyeed aaney la safan waxa ay wadaan xubnaha labada gole ee Muqdisho bacdamaa ay u gefeen Axadiga KMG ah, sidoo kalena aan madaxtinimo la siinin, in taxadar laga ahaado shirqoollada iyo dagaallada ay maleegayaan labada gole ee Dowladda kuwooda Muqdisho ku sugan, sidoo kalena ay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamkaba ay fiiro gaar ah u yeeshaan waxa ay xubnaha labada gole Muqdisho sameynayaan.

Xubnaha maamulka Gobolka Banaadir ee maanta shirka ku yeeshay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxay hoos tagaan maamulka uu madaxda ka yahay Maxamuud Xasan Cali Cadde, iyadoo xaruntaasna ay horay ugu shiri jireen xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladdii Carta lagu soo dhisay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Ra'iisal Wasaare Geedi oo socdaal uu ku tegay Talyaaniga kadib ku sii jeeda Dalka Belgium

Talaado, November 15, 2005(HOL): Ra'iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi oo socdaal ku tegay dalka Talyaaniga, isla markaana wada hadallo la qaatay mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Brusless ee dalka Belgium.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa marka uu tago dalka Belgium waxaa uu ka qeybgeli doonaa kulan ay magaalada Brusless ku leeyihiin madax ka tirsan Midowga Yurub, si gaar ahna waxaa loo shaaciyay in ay isu arki doonaan ninka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Horumarinta Kaalmooyinka Bani'aadannimada Mr. Louis Michel, kaasi oo ay isla jeex jeexi doonaan xaaladda siyaaso ee dalka Soomaaliya.

Lama oga waxyaabaha ay Ra'iisal Wasaare Geedi ka wada hadleen Mas'uuliyiita Talyaaniga marka laga reebo in uu Ra'iisal Wasaaraha uga mahadcelinayay Dowladda Talyaaniga kaalmooyin ay dhowr jeer u fidisay Dowladda Federaalka, taasi oo ay ugu dambeysay lacag 2.5US$ (labo milyan iyo bar doollar) ahayd oo loogu talagalay in lagu dhiso, isla markaana lagu horumariyo maamullada 45 degmo oo ku yaala Dalka Soomaaliya

Haseyeeshee, Ra'iisal Wasaaraha oo ay socdaalkiisa ku wehlinayaan Ra'iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Maaliyadda Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. C/risaaq Cusmaan Juriile iyo xubno kale ayaa la filayaa in uu Midowga Yurub ka codsado in ay taageeraan Dowladda uu Ra'iisal Wasaaraha ka yahay.

Midowga Yurub ayaa horay ugu baaqay xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay ka heshiiyaan khilaafka u dhaxeeya, Muqdisho tagaan, isla markaana ay horay u sii wadaan dib u heshiisiintii lagu soo gebagebeeyay dalka Kenya sanadkii hore.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 


| Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2005 Hiiraan Online