
 |
| Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Yusuf Xagar (Dabageed) |
Kaddib markii la soo dhammaystiray dhismaha maamulka degmooyinka Hiiraan, dhowaanna ay ka soo laabteen Jowhar, ayaa waxa wadahal dheer halkaas ku qaatay maamulkii hore ee degmada B/Burte mudanae Cabdi Iidow Sanriye iyo odayaal dhaqameedyo ka kala socday Beled weyne iyo B/Burte si ay uga dhaadhiciyaan in uu xilkaas ku wareejiyo maamulka cusub ee degmada B/Burte dhowaana laga soo maacaabay Jowhar, kaasoo uu horkcayo Mudane Xuseen Barre Raage oo ah nin si aad ah looga yaqaanno gobolka Hiiraan iyo degmada Buure.
Wadahadalaas oo socday muddo labamaalmood ah ayaa waxay ku dhammaadeen is afgarn waa, kaddib markii uu Mudane Cabdi Iidow ka biyo diiday inuu xilka u tiriyo Xuseen Barre, waxana uu intaas raaciyay inay ka horreyso in marka hore god la geliyo oo uusan yeeli marnaba oggolaan dooniin Yeeriska ka imanaya Jowhar faraha uu kala baxo Max’ed Dheere mamaulja degmda B/Burte “Sida uu hadalka u dhigay”
Cabdi Iidow ayaa waxa uu si aad ah ugu andacoonayaa sababta kaligiis loo abaarayo oo aysan jirin cid kale oo laga qaaday xilkii ay haysay, waxana uu ku dooday inay taasi ka dhigan tahay markii dhowaan uu ku eedeeyay Maamulka Max’ed Dheere ciidankiisa fadhiya Jimbiley inuu halkaas ka qaato, kuna ekaado meesha la yiraahdo Fiiwod oo ah halka xadlaka u ah labada gobol ee Sh/ Dhexe iyo Hiiraan
Warar xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in loo ballan qaaday Cabdi Iidow lacag dhan $10,000 balse uu ka biyo diiday kuna sheegay inuusan marnaba iibsanaynin sumcadda iyo sharaftiisaba.
Dhanka kale, waxa jira taageero iyo taakuleyn nooc walba leh oo ay Mr. Cabdi Iidow u fidiyeen dadka dega Afarta Tuulo, gaar ahaan Miirtuugo iyo Biyacaddo, kuwaasoo dagaal kula jira maamulka Max’ed Dheere ee ka taliya Jowhar, waxayna taageeradaas ku sheegeen inay uga abaal gudayaan kaddib markii niman laga afduubay B/weyne loona waday Max’ed Dheere ay halkaas ku qabteen maamulka Cabdi Iidow kuna simeen ehelkoodii. Arrintaas ayaa ah sababta ugu weyn ee ay degaanadaasi garabka ku siinayaan Cabdi Iidow.
Waxa jira ifafaalo colaadeed oo ka jira B/Burte, kuna aaddan gacan ku haynta degmada B/Burte, wararkuna waxa ay sheegayaan in dhammaan xarumaha maamulka degmada ay hadda gacanta ku hayaan maamulka Cabdi Iidow , suuro galna ay tahay in dhanka kale ka yimaaddo weerar ay ku soo qaadaan maamulka, ayadoo ay jiran lana hubo in hub iyo lacagba ay kala yimaadeen Jowhar Max’ed Dheerana uu horay u cadeeyay arrinkaas.
Ugu dambeyntii, maalimta berrito ah ayaa waxa la filayaa in ay soo gaaraan Beled weyne gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mr. Dabageed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, waxana la filyaa inay howlahdooda horey u galaan gaar ahaan dhanka ammaanka oo uu Mr. Dabageed ku celceliyay dhowr jeer inuu wax ka qaban doono.
Aadan Xasan Bashiir
Hiiraan Online, Beled weyne
[email protected] |