Golaha Guurtida Somaliland oo madaxweyne Riyaale ogoleysiiyay in uu aqblao Guddoonka cusub ee Golaha Baarlamaanka Somaliland
Isniin, December 05, 2005(HOL): Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Suleymaan Maxamuud Aadan ayaa markii ugu horeysay sheegay in ay aqoonsan yihiin guddoonka cusub ee ay dhawaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, gaar ahaan kuwa Xisbiyada Mucaaridka ay iska dhex doorteen.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo saxaafadda la hadlay wada xaajoodyo hoose oo arrintan lagu lafo gurayay kadib in ay odayaasha guurtida isla garteen in la raaco aqlabiyadda Golaha, ayna tahay in la aqoonsado Guddoomiyaha iyo ku xigeenada Golaha Wakiillada.
Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa soo jeedintaas golaha Guurtda kadib waxaa uu ku dhawaaqay in uu aqbalay doorashadii guddoonka golaha baarlamaanka Somaliland, isagoo sheegay in uu aqbalaadaas sameeyay kadib markii ay golaha Guurtida ku tirtirsiiyeen in uu u tanaasulo qadiyadda Somaliland, si aaney cadawgeeda ugu wiirsan.
Madaxweyne Riyaale waxaa uu sheegay in sax iyo qalad wixii ay ahayd doorashadaas uu maanta sideeda u aqbalayo, isla markaana uu ballanqaadayo in uu wada shaqeyn daacad ah la yeelan doono Mas'uuliyiinta sare ee Golaha Baarlamaanka Somaliland oo iyagana uu ka rajeeyay wada shaqeyntaas oo kale.
Waa tallaabo geesinimo leh oo uu madaxweyne Riyaale u qaaday dhinaca sii adkeynta midnimada dadkiisa, isagoo weliba carrabka ku dhuftay mar uu BBC-da la hadlayay in Xisbiyada Mucaaridka iyo weliba guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada looga baahan yahay geesinimo la mid ah tan uu sameeyay.
Dad badan oo la socday qaabkii ay u dhacday doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Somaliland ayaa saadaal xun bixiyay, iyadoo dadka saadaashaas bixiyay qaarkood ay sheegeen in Somaliland ay cagta saarta wadadii Siyaasiyiinta Koofurta Soomaaliya, bacdamaa Baarlamaankii dhexdiisa la isku feeray, iyadoo buuq iyo qalaase jirana doorasho la sameeyay, hayeeshee saadaashaasi waa ay beenowday, waxayna Somaliland mar kale siineysa cashar siyaasiyiinta Reer Koofureedka oo iyagu ka dhinta isu tanaasulka iyo isu soo dhawaanshaha.
|