
Arbaco, January 7, 2026 (HOL) - Soomaaliya ayaa mar kale si cad u xaqiijisay taageeradeeda mabda’a Midnimada (One-China Principle), iyadoo sheegtay inay aqoonsan tahay in dunida uu ka jiro hal Shiin oo keliya, isla markaana Taiwan ay tahay qayb aan laga goyn karin dhulka Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha.
Bayaan ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa lagu sheegay in dowladda Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha ay tahay dowladda keliya ee sharci ahaan matasha Shiinaha guud ahaan, halka arrinta Taiwan-na lagu tilmaamay mid gudaha ah oo u gaar ah Shiinaha.
Soomaaliya ayaa sidoo kale mar kale adkaysay taageeradeeda buuxda ee mabda’a Hal-Shiinaha, iyadoo si xooggan u garab istaagtay dadaallada Shiinaha ee la xiriira mideynta qaranimada. Bayaan kaasi wuxuu xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta sharcinimada iyo ansaxnimada Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758.
Dhanka kale, Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in la dhowro madaxbannaanida dalalka iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida caalamiga ah.
Waxay intaas ku dartay in ixtiraamka sharciga caalamiga ah, mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay, iyo is-ixtiraamka wadajirka ah ee dalalka ay saldhig u yihiin nabad waarta iyo xiriir caalami ah oo deggan.