
Khamiis, January 8, 2026 (HOL) - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay baaritaan rasmi ah ku bilaawday warar sheegaya in garoomada iyo hawada dalka loo adeegsaday fududaynta socdaalka siyaasiga Aidarous Al-Zubaydi.
War-saxaafadeedka hay’adda ayaa lagu sheegay in baaritaanku uu ujeeddadiisu tahay xaqiijinta saxnaanta wararkaasi iyo in la ogaado haddii sharciga, nidaamyada, ama habraacyada oggolaanshaha la jabiyay.
Hay’adda ayaa caddeysay in ficilada noocaas ah, haddii la xaqiijiyo, ay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xeerarka socdaalka, Waxay sidoo kale tilmaamtay in fududeynta socdaalada noocaani oo kale ah ee qarsoodida ah ama fulinta hawlgallo aan sharciyeysnayn oo laga sameeyo gudaha dalka aan la aqbali karin.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageertay wadahadalka Riyadh ee ay hoggaamineyso Boqortooyada Sacuudiga, kaas oo loogu talagalay xal u helidda xaaladda Yemen.
"Wax kasta oo ka baxsan geeddi-socodkan, oo ay ku jirto taageero dibadeed oo la sheegay, waxay khilaafayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee socda" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay'adda Socdaalka Soomaaliya.
Afhayeenka Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka hawlgala Yemen ayaa sheegay in Al-Zubaydi uu safar qarsoodi ah uga baxay Cadan, isagoo isku maray Berbera, Muqdisho, ugu dambeyna uu caga dhigtay Abu Dhabi, taasoo muujinaysa baaxadda socdaalkiisa.
Dowladda Soomaaliya ayaa ballanqaaday in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh xadgudubyadan, iyadoo ku adkaysay ixtiraamka madaxbannaanida dalka iyo ku hogaansanaanta sharciyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.