
Khamiis, January 8, 2026 (HOL) - Ciidamadan cusub ayaa tababarka loogu oo xiray Dugsiga Tababarada Ciidamada ee TURKSOM ee ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku biiraya Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage ayaa tababarka u soo xiray ciidamadan cusub.
Munaasabadda waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ciise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda, saraakiil iyo marti sharaf kala duwan.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay munaasabadda tababarka loogu soo xiraayay ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay door weyn ka qaataan hawlgalada ka socda gudaha dalka ee la doonayo in looga ciribtiro kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Wuxuu sidoo kale Wasiir Gaashaandhigga uu faray ciidamadan inay si dhab ah u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta qaranimada iyo midnimada dalka, islamarkaana ay mar kasta diyaar u ahaadaan la dagaalanka cadowga gudaha iyo kan dibadda ah.
Ciidamada Gorgor ayaa ah si ciidan gaar ah u habeysan, islamarkaana si aad ah ugu tababaran la dagaalanka Al-shabaab iyo waliba ka jawaabidda xaaladaha deg dega ah.
Safaarada Turkiga ee Muqdisho dhankeeda war ay ku daabacday barteeda Facebook ku sheegtay in Turkiga uu sii wadi doono taageeradiisa ku aadan madaxbanaanida Soomaaliya, wadajirka dhuleed iyo la dagaalanka argagixisada.
Si kastaba ha ahaatee Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee Soomaaliya ka taageera dib u dhiska ciidamada Qalabka Sida, waxaana Muqdisho ay ku leeyihiin Dugsi TURKSOM oo Soomaaliya loogu tababaro ciidamada, kaasoo ah saldhigga ugu weyn ee Turkigu uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.