Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa masiibo ka dhalatay hoggaan-xumo

Arbaco, December 17, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mohamed Hussein Oogle ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahaysoa masiibo qaran oo ka dhalatay hoggaan-xumo, taas oo uu ku eedeeyay hoggaanka ugu sarreeya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay garoonka Kismaayo oo ay ka socota soo dhowaynta wafuudda shika Kismaayo, wuxuu sheegay in rajadii laga qabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aysan maanta muuqan, isagoo tilmaamay in jihadii laga filayay hoggaanka dalka ay noqotay mid ka duwan xaaladda dhabta ah ee maanta taagan.

Wuxuu intaas ku daray in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah, islamarkaana ay jiraan walaacyo la xiriira ku tumashada dastuurka qaranka, amar-ku-taaglayn iyo raacid la’aan nidaamka sharciyeed ee lagu heshiiyay.

Sida uu sheegay, xaaladdan ayaa halis ku ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilli la sheegayo in waqtigii dastuuriga ahaa ee hay’adaha qaar uu dhammaanayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sidoo kale ka hadlay shirka Kismaayo, isagoo sheegay in shirkaasi ujeeddadiisu tahay in dib loo hago jihada siyaasadda qaranka. Wuxuu xusay in shirka lagu martiqaaday madaxda hore ee dalka iyo dhammaan dhinacyada mucaaradka ah, isagoo xaqiijiyay in martiqaad loo diray Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Wuxuu sheegay in inkastoo qaar ka mid ah madaxda la casuumay aysan weli imaan, haddana guddiga qabanqaabada uu sii wadi doono soo dhaweynta iyo dejinta dhammaan mas’uuliyiinta heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo heer degmo ee ka qaybgalaya shirka. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isla markaana aragtidiisa siyaasadeed ay weli taagan tahay.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in shirka Kismaayo laga filayo talooyin iyo go’aanno lagu wajihi doono hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo xusay in dalka u baahan yahay hoggaan mideeya ummadda, hagaya jihada saxda ah, isla markaana ku shaqeeya dastuurka. Wuxuu rajo ka muujiyay in talooyinka ka soo baxa shirkaasi ay gacan ka geysan doonaan xasillinta siyaasadda dalka.