
Arbaco, December 17, 2025 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah yeeshay, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka siyaasadeed ee ka jira Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale qiimeynta howlaha Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amni iyo mid siyaasadeed ee dalka, iyadoo sidoo kale la isla gartay in xaaladda maaliyadeed ee hawlgalka AUSSOM ay tahay mid adag, taasoo u baahan xalal degdeg ah oo waara si loo hubiyo sii socoshada howlgalka iyo taageerada hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya.
Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya u qaabilsan Midowga Afrika, Maxamed Khaalid, ayaa mar kale adkeeyay taageerada joogtada ah ee dalkiisa u hayo xasilloonida Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Aljeeriya ay ka go’an tahay garab istaagga dadaallada nabadeed iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo la kaashaneysa saaxiibada goboleed iyo kuwa caalami ah.
Sidoo kale, Danjire Maxamed Khaalid ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo xalal wada oggol ah oo lagu wajaho dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta hawlgalka Midowga Afrika, si ay dowladda Soomaaliya ugu suuragasho in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.
Waxa uu xusay mas’uuliyadda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka saaran hubinta maalgelin joogto ah oo hawlgalka ah.
Dhanka kale, Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika ayaa soo bandhigay talooyin iyo ikhtiyaarro ku saabsan mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Arrimahan ayaa la filayaa in marka hore ay daraaseeyaan dalalka ciidamada ku biiriya hawlgalka iyo Guddiga Taliska Militariga ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika, ka hor inta aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin.
Ugu dambeyn, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu soo saaro bayaan rasmi ah oo ku saabsan natiijooyinka kulankan iyo jihada mustaqbalka ee hawlgalka AUSSOM.