Wasaaradda Qoyska oo Cambaareysay Dhacdadii Hooyo ku Umushay Afaafka Hore ee Cisbitaalka Banaadir

 

Jimco, November 7, 2025 (HOL) - Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa maanta si kulul u cambaareysay dhacdo murugo leh oo ay hooyo Soomaaliyeed ku umushay afaafka hore ee Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, halkaas oo ilmihii ay dhashay uu ku geeriyooday kadib markii ay hooyadu weysey daryeel caafimaad oo degdeg ah.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay “mid dayacaad shaqo ah oo aan la aqbali karin”, isla markaana uu muujinayo gudasho la’aan masuuliyadeed oo dhinaca shaqaalaha caafimaadka ah.

newsinsideWasaaraddu waxay tilmaamtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maalgelin ballaaran ku bixiso cisbitaallada dowladda, gaar ahaan Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, si loo hubiyo in hooyo kasta iyo ilmo kasta oo Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo hufan, ammaan ah, kana tarjumaya adeegyada dowladdu ugu talagashay bulshada.

“Dhacdadan naxdinta leh waxay dhaawacaysaa kalsoonida bulshada ee adeegyada caafimaadka dowladeed, waxayna ka hor imaanaysaa mabaadi’da bani’aadantinimo iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ka dalbatay Wasaaradda Caafimaadka in ay si degdeg ah u sameyso baaritaan madax-bannaan, si loo ogaado sababta keentay in hooyadan aysan helin daryeelkii caafimaad ee ay u baahnayd, isla markaana laga qaado tallaabo sharci ah cid kasta oo ku lug leh dayacaaddaasi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ku baaqday in la adkeeyo kormeerka iyo la xisaabtanka shaqaalaha caafimaadka, lana xoojiyo wacyigelinta iyo tababarrada la xiriira daryeelka hooyada iyo dhallaanka, si looga hortago in dhacdooyin noocan oo kale ah ay mar kale soo noqdaan.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan dulqaad, isla markaana ay kalsooni ku qabaan in dowladdu ay qaadayso tallaabo kasta oo sharci ah si cadaalad loo helo.