Jimco, November 7, 2025 (HOL) - Dhacdo murugo leh ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii hooyo Soomaaliyeed ay ku hor umushay iridda hore ee Isbitaalka Banaadir, kaddib markii loo diiday adeeg caafimaad oo degdeg ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in hooyada ay markii hore tagtay isbitaal kale oo magaalada ku yaalla, balse halkaas laga soo celiyay iyadoo xaaladdeedu halis tahay.
newsinsideMarkii dambe ayay timid Isbitaalka Banaadir oo ah goob caafimaad oo dowladeed, balse nasiib darro waxaa lagu amray in ay banaanka ku sugnaato, inkastoo ay ahayd xaalad degdeg ah.
Sida ay sheegeen dad goobta joogay, hooyadu ugu dambeyn waxay ku umushay albaabka weyn ee isbitaalka, iyadoo ay caawinaysay haweeney waayeel ah oo halkaas maraysay.
Ilmaha yar ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhashay xaalad adag, halka hooyaduna lasoo daristay dhiig bax daran.
Dad badan ayaa ku baaqay in arrintan si degdeg ah loo baaro, lagana qaado tallaabo sharci ah maamulka Isbitaalka Banaadir iyo shaqaalaha dayacay waajibkooda.
“Waa ceeb iyo dulmi weyn in isbitaal dowladeed oo loogu talagalay daryeelka hooyada iyo dhallaanka uu sidaan ugu dayaco muwaadiniintiisa,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka goobta joogay.
Dhacdadan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, iyadoo loo arko tusaale kale oo muujinaya heerka hoose ee daryeelka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed ay la tacaalayso, gaar ahaan hooyooyinka uurka leh.