Talaado, November 18, 2025 (HOL) - Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay Shirweynaha Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta, oo sanadkii labaad oo xiriir ah lagu qabanayo magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay shirweynaha. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin iyo marti-sharaf kala duwan oo ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, Saaxiibada Horumarinta, Qaramada Midoobay, Ganacsatada, Bulshada Rayidka, Jaamacadaha, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo khubaro ku takhasustay kormeerka iyo qiimeynta.
newsinsideWasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa soo jeediyay khudbad uu kaga hadlay ujeedada shirweynaha iyo natiijooyinka laga filan karo. Wasiirku waxa uu xusay in shirkan uu muhiim u yahay xoojinta nidaamyada qiimeynta dalka si loo dedejiyo fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) oo horaantii sanadkan la daahfuray.
Intii uu shirweynaha socday, waxaa si rasmi ah loo daahfuray Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Hagaha Qiimeynta Qaranka, oo ay diyaarisay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta.
Qaybtii dambe ee shirweynaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo lagu falanqeeyay heerka nidaamyada qiimeynta dalka iyo sida loo horumarin karo.
Ugu dambeyn, Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamed Aadan Maxamed ayaa soo xiray shirweynaha. Waxa uu uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha, marti-sharafta, iyo qabanqaabiyeyaasha, isagoo si gaar ah u xusay doorka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Shire, iyo Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta oo uu hoggaamiyo Maxamuud Siciid Nuur, kuwaas oo juhdi badan geliyay qabsoomidda shirweynaha.