Howlgallo lagu dilay Xubno ka tirsan Alshabaab oo ka dhacay gobollada Mudug iyo Bakool


Talaado, November 18, 2025 (HOL) - Wararka ka imanaya gobollada Mudug iyo Bakool ayaa sheegaya in howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ciidamada deegaanka (Mucaawisleyda) iyo kuwa dowladda ku fuliyeen  tuulooyin ku yaalla labada gobol.

Xarardheere oo katirsan gobolka Mudug, ayaa lagu soo waramayaa in habeenimadii xalay lagu qaaday howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala halkaas. 

Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgalkan, iyadoo sidoo kale ay sheegtay in la soo qabtay hub ay ku jiraan afar qori oo AK-47 ah iyo saanado kale oo milatari.

newsinsideDhinaca kale, ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ka hortageen weerar lagu bartilmaameedsan lahaa deegaanka Dabagalo, oo 35 km u jira Xarardheere dhanka waqooyi-galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ku socday meelaha ay ciidamada iyo shacabka deegaanku ku sugnaayeen.

Gobolka Bakool, howlgal kale oo ka dhacay waddada isku xirta Garasweyne iyo Moragabey, oo 37 km galbeed kaga beegan degmada Xudur,  ayaa lagu beegsaday xubno kale oo Al-Shabaab ka tirsan. 

War-saxaafadeed Dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in shan xubnood oo kooxda Alshabaab ka tirsan in halkaas lagu dilay, kuwaas oo la sheegay inay ku jireen horjoogayaal muhiim ah. Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay soo heleen labo qori AK-47 ah iyo saanad ciidan.

Saddex ka mid ah dadka la sheegay inay ku dhinteen howlgalkan ayaa lagu sheegay magacyadooda;

Ibraahim Caliyow Maxamed Macallin, Aadan Maxamed Same, Cabdullaahi Aadan Dheere.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay mid sii socon doona, iyagoo ku celiyay in ujeeddadu tahay in la xaqiijiyo amni iyo xasillooni ay bulshada ku naalootaan.