Banaanbaxyo looga soo horjeedo Israa’iil oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada dalka

Cabirka Farta

Talaado, December 30, 2025 (HOL) - Waxaa maanta banaanbaxyo aad u waa weyn oo looga soo horjeedo talaabadii ay dhawaan Israa’iil ku sheegtay in Somaliland ay u aqoonsatay iney tahay dowladda ka madaxbanaan Soomaaliya ay ka dhaceen qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Dibadbaxyadaan ayaa ka dhacay  magaalooyinka kala ah Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Laascaanood, waxaana isugu soo baxay boqolaal shacab ah oo si wadajir ah uga dhiidhinayay go’aanka Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland. 

Banaanbaxayaasha ayaa ku tilmaamay go'aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland inuu yahay mid halis ku ah midnimada Soomaaliya, islamarkaana aysan aqbali doonin dadka Soomaaliyeed in la kala qeybiyo midnimadooda iyo wadajirka dhuleed.

Dibadbaxyada ahaa kuwa maanta si nabad ah uga dhacay magaalooyinka ay ka dhaceen waxaana ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada ee sida Culimada Diinta, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada, kuwaas oo muujiyay midnimo iyo dareen wadareed oo ku aaddan difaaca madaxbanaanida iyo midnimada dalka.

Qaar ka mid ah dadkii banaanbaxa dhigay  ayaa si adag u cambaareeyay faragelin kasta oo shisheeye, iyagoo ku baaqay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney wadir u ilaaliyaan Qaranimada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee banaanbaxyada maanta ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan dareenka shacabka ee ku aadan mowqifkooda ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.