Bannaanbax ballaaran oo ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Cabirka Farta

Talaado, December 30, 2025 (HOL) - Bannaanbaxa ayaa waxaa ka qaybgalaya shacab kala duwan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo muujinaya dareenkooda ku aaddan mowqifka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland inay noqoto Dowlad Madaxbannaan.

Saaka aroortii, Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho ayaa lagu arkay kumannaan qof oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaana sitay boorar ay ku xardhan yihiin sawirro iyo farriimo kala duwan kana turjumaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo kuwa lagu diidayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Ujeeddada bannaanbaxa ayaa ah in si cad loo muujiyo dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ay Israa’iil ka waddo meelo kala duwan oo caalamka ah, gaar ahaan Falastiin, isla markaana kor loo sheego hababka looga hortagi karo dulmiyadaas.

Dadka sida weyn goobta uga hadlay waxaa kamid ah Sheekh Cabdulbaari oo yiri “Yuhuudda waa cadowga koowaad ee Muslimiinta, la macaamilka Somaliland qaabkan ah wuxuu sumcad xumo ku keenayaa shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis ayaa yiri “Kuwii isku sheegayay culimada ee shalay ka hadlay Hargeysa ma aha culimo dhab ah, waxaan sugaynaa waxa ay ka yiraahdaan Sheekh Dirir, Sheekh Mustafe, iyo shakhsiyaadka waaweyn ee la ixtiraamo.”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka G.Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in Muqdisho ay tahay meesha wax lagu diido laguna ansixiyo, Somaliland ay Shacab iyo Maamul ahaan ay  jahawareersan yihiin.

Abwaan Osman Cabdullahi Guure oo kamid ahaa dadka sida weyn goobta uga hadlay ayaa sheegay  “Hadday xataa hal milyan oo mayd ah halaagaan, ayna baaba’aan malaayiin, hamiga Yuhuudda ma hirgeli doono.”

Bulshada caalamka ayaa si dhow ula socota arrintan, iyadoo dalal badan oo caalamka ah ay muujiyeen cambaarayn ballaaran oo ku aaddan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.