
Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Midowga Yurub ayaa mar kale ku celiyay taageeradiisa buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasoo waafaqsan dastuurka Soomaaliya iyo Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Midowga Yurub ayaa sheegay in ixtiraamka mabaadi’danasi uu muhiim u yahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland in ay galaan wada-xaajoodyo macno leh, si loo xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah iyada oo loo marayo hogaamin nabadeed iyo is-afgarad dhisaya.
Tallaabadan ayaa muujinaysa sida beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub, uga go’an tahay in la ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, loona hoggaansamo shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah.
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay sii kordhay taageerada caalamka ee madax banaanida dhuleeed ee Soomaaliya iyo dhaleeceynta loojeedinayo aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland.