
Sabti, December 27, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada-tashiyo diblumaasiyadeed oo degdeg ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Bariga iyo Geeska Afrika, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha ku saabsan madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya.
Wada-hadalladan oo ku dhacay khadka taleefoonka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania, Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Museveni.
Sida lagu sheegay xog rasmi ah, wada-hadalladu waxay si gaar ah diiradda u saareen tallaabooyin lagu tilmaamay xadgudub sharci-darro ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo halis gelin karta amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka, isla markaana ka hor imanaysa xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.
Hoggaamiyeyaasha gobolka ee Madaxweynaha la hadlay ayaa si mideysan u muujiyay garab-istaag buuxa oo ay u hayaan Soomaaliya, iyaga oo adkeeyay in aqoonsi kasta oo lagu sameeyo dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee ilaalinta midnimada dhuleed, iyo qawaaniinta hagaya xiriirka dowladaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto wada-tashiyada ay la yeelanayso hoggaamiyeyaasha caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka sharci, diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah difaaca midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada dalka.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta sharcinimada caalamiga ah iyo xoojinta wada-shaqeynta gobolka, si loo sugo nabadda, xasilloonida iyo amniga guud ee Bariga iyo Geeska Afrika.