Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo beeniyay in uu ka maqan yahay miisaaniyadda dowladda federaalka

Cabirka Farta

Isniin, December 22, 2025 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Ahmed Cabdirisaaq Diiriye, ayaa si adag u beeniyay hadal uu dhawaan jeediyay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo sheegay in Maamulka Waqooyi Bari uusan ku jirin miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadkan.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana uu ka fog yahay xaqiiqada dhabta ah. Wuxuu xusay in ay jiraan dadaallo rasmi ah oo iskaashi ah oo u dhexeeya hay’adaha maaliyadda ee dowladda federaalka iyo maamulka Waqooyi Bari, kuwaas oo uu sheegay inay marayaan meel wanaagsan.

“Waxaan ugu baaqayaa xildhibaanka hadalkaas sheegay inuu si cad u soo bandhigo bogga ama dukumeentiga uu ka akhriyey in Waqooyi Bari laga reebay miisaaniyadda, maaddaama miisaaniyadda qaranku aysan ku dhisnayn qabiil ama gobol gaar ah, balse ay ku socoto habraac sharci iyo mid maamul,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale tilmaamay in miisaaniyadda dowladda federaalka ay marto nidaam sharci ah oo Baarlamaanka Federaalka ansixiyo, islamarkaana mas’uuliyadda gaarsiinteeda ay saaran tahay dowlad-goboleedyada, iyadoo loo marayo hannaan rasmi ah.

Wasiirku wuxuu xusuusiyay xildhibaannada kasoo jeeda Waqooyi Bari in ay leeyihiin masuuliyad wadareed oo ku aaddan difaaca danaha deegaankooda iyo ummaddooda, isla markaana looga baahan yahay inay ka fogaadaan hadallo keeni kara jahwareer iyo kala qaybsanaan bulsho.