Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Jalalaqsi ku dhexmaray Maleeshiyo beeleed hubeysan iyo maamulka degmadaas

Cabirka Farta

Isniin, December 22, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo saakay ka dhacay gudaha magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamo maamulka degmada Jalalaqsi iyo maleeshiyo beeleed hubeysan oo ka careysan Nabadoon lagu xiray Degmada Jalalaqsi, kuwaas oo doonayay iney si xoog ah kusoo furtaan Nabadoonka. 

Dadka ku nool xaafadaha magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa saakay mar qura kusoo toosay dhawaqa rasaasta kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dagaalka ayaa sheegaya inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaartay labada dhinac ee saakay dirirtu ku dhexmaray gudaha degmada Jalalaqsi. 

"Dagaalka laba qof ayaa ku dhimatay oo labada dhinac kala ah dhaawacyana way jiraan, wuxuu dagaalka ka bilawday Nabadoon uu xiray maamulka degmada, nabadoonkaas oo beeshiisa u afduuban yahay nin kale, maamulka ayaana dalbaday in ninkaas gacantooda lagu soo wareejiyo si sharci loo kala mariyo waxa lagu haysto, taasna waxay keentay in beesha nabadoonka laga xiray ay diidaan, sidaasna kusoo weerareen xarumaha maamulka degmada" ayuu yiri goobjooge la hadlay Shabakada HOL. 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in xaaladu dagan tahay, islamarkaana dagaalka ku baxeen Odoyaal dhaqameed deegaanka ah si ay uga hortagaan in colaaddu ku faafto deegaanada ku xeeran degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Majirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Jalalaqsi oo ku aadan dagaalka saakay ka dhacay magaalada Jalalaqsi oo wali laga dareemayo saameynta uu ku yeeshay dadka ku nool xaafadaha magaaladaas.

La soco wixii kasoo kordha.