Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay guddi baadhis ku samaynaya rabshadihii Borama

Sabti, December 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay guddi ka kooban 23 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray inay baadhitaan ku sameeyaan rabshadihii sababay dhimashada dadka badan ee horaantii bishan ka dhacay magaalada Borama.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada, oo uu warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa lagu sheegay in marka ay dhacaan dhibaatooyin noocan ah loo baahan yahay in si dhab ah loogu kuurgalo, loona sameeyo baadhitaan dhammaystiran, si loo qiimeeyo baaxadda dhibaatada isla markaana xal loogu helo tabashooyinka jira.

“Madaxweynuhu waxa uu maanta go’aamiyay inuu magacaabo guddi heer qaran ah oo leh awoodda iyo masuuliyadda inay baadhaan, qiimeeyaan, isla markaana xukuumadda u soo jeediyaan xalalka ugu habboon ee ka soo baxa baadhista iyo qiimaynta,” ayuu yidhi Dayr.

Waxa uu sheegay in guddidani ay ku shaqayn doonaan oo keliya waxa sharcigu farayo, isla markaana ay ka madaxbannaan yihiin saamayn kasta oo ka baxsan shaqadooda, iyaga oo marka ay soo gebogabeeyaan baadhista, xogta ay soo helaan u gudbin doona Madaxweynaha.

“Guddidan heer qaran waxay awood u leedahay inay sii magacawdo guddiyo kale oo heer deegaan iyo heer gobol ah, kuwaas oo kala shaqayn doona waajibaadka loo igmaday,” ayuu yidhi Dayr.

Guddidan ayaa ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, madaxda xisbiyada mucaaradka, xildhibaanno, culimo iyo aqoonyahanno kala duwan. Waxa kale oo musdambeed u ah Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Rabshadihii ka dhacay magaalada Borama, oo ay hormuud ka ahaayeen dhallinyaro ka cadhooday munaasabadda Xeer Ciise ee xukuumaddu fasaxday in lagu qabto Saylac, ayaa sababay dhimashada 19 qof iyo dhaawaca 214 qof, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo mudaharaadayaasha.