Wasiirka Difaaca Kenya oo Kormeer Shaqo ku Tagtay Kismaayo, Kana Warbixisay Doorka Ciidamada KDF ee AUSSOM

Sabti, December 20, 2025 (HOL) - Wasiirka Difaaca ee dalka Kenya, Soipan Tuya, ayaa booqasho shaqo ku timid dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Kismaayo ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, halkaas oo ay ku booqatay ciidamada Kenya Defence Forces (KDF) ee ka howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Qoraal ay soo saartay ayay Wasiiraddu ku sheegtay in ujeeddada safarkeeda ay tahay kormeer iyo dhiirrigelin ay u sameyso ciidamada Kenya ee ka qeyb qaadanaya dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Soipan Tuya waxaa safarka ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Kenya, waxaana hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Kenya, Sarreeye Guuto David Ketter.

Waxay carrabka ku adkeysay muhiimada ay leeyihiin ciidamada Kenya ee ku jira AUSSOM, iyadoo sheegtay in kaalintooda ay laf-dhabar u tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka.

“Howlgalkan waa mid muhiim u ah xasilloonida gobolka, taageeridda dadaallada nabadda, iyo sii wadista gargaarka bani’aadannimo. Waxa uu ka tarjumayaa qiimaha adeeg, masuuliyad iyo wadajir ee lagu yaqaan Ciidamada Difaaca Kenya,” ayay tiri Wasiiraddu.

Dhanka kale, Wasiirka Difaaca ayaa bogaadin u jeedisay askarta rag iyo dumarba ee Kenya, kuwaas oo ay sheegtay in ay si xirfad leh ula shaqeeyaan ciidamo ka kala socda dalal kale oo qeyb ka ah howlgalka AUSSOM. 

“Booqashadaydu waa mid muujinaysa garab istaag iyo mahadcelin qoto dheer oo aan u hayo askarta ka shaqeynaysa dal ka fog dalkooda iyo qoysaskooda u adkeysanaya culayska Iyadoo sanadka gabagabo marayo, gaar ahaan xilligan dabaaldegga ah, waxaan u rajeynayaa xoog, badbaado iyo dhiiranaan cusub,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Booqashada Wasiirka ayaa imaneysa toddobaadyo kaddib weerar ka dhacay waddada Liboi-Kulan ee ismaamulka Garissa, halkaas oo laba askari oo booliis ah ay ku dhinteen, shan kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay wateen uu haleelay qarax miino (IED). 

Weerarkaasi oo dhacay 19-kii Nofeembar ayaa la rumeysan yahay in ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo beegsaday gaari ay wateen ciidamada ilaalada xuduudaha Kenya.