
Khamiis, December 18, 2025 (HOL) - Burcad-badeedda Soomaaliyeed ayaa helay qalabka casriga ah ee GPS-ka, kaas oo u suuragelinaya inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee maraya Badweynta Hindiya, taasoo si weyn u kordhisay halista amni ee badda gobolka.
Ku-xigeenka Agaasimaha Sirdoonka ee Ciidanka Booliska Badda Puntland, Maxamed Muuse Cabulle, ayaa sheegay in qaar ka mid ah kooxaha burcad-badeedda Soomaaliyeed ay ka heleen qalabka GPS-ka iyo hub Xuuthiyiinta ama shakhsiyaad la safan oo ku sugan Yemen.
Mas’uuliyiin amni oo Mareykan ah iyo kuwo goboleed ayaa ka digaya in burcad-badeedda aysan kali ku ahayn hawlgalladan, balse ay iskaashi la leeyihiin maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ay Iiraan taageerto, iyo sidoo kale kooxo argagixiso oo ka hawlgala Geeska Afrika.
“Qalabkan GPS-ka ah wuxuu u oggolaanayaa burcad-badeedda inay si sax ah u ogaadaan jidka maraakiibta ganacsiga, una diyaariyaan weerarro si ka baxsan xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Muuse.
Waxa uu intaas ku daray in hay’adaha amniga ay rumeysan yihiin in qaar ka mid ah burcad-badeedda ay tababarro ku qaateen gudaha Yemen, arrintaas oo sare u qaadday awooddooda iyo khatarta ay ku hayaan marin-biyoodka.
12-kii Diseembar, Ciidanka Booliska Badda Puntland ayaa ku dhawaaqay inay qabteen doon yar oo isku dayaysay inay tahriibiso kiimikooyin loo adeegsado samaynta walxaha qarxa. Ciidanku waxay xireen muwaadiniin Soomaaliyeed iyo Yemeni ah oo saarnaa doonta.
Dib-u-soo-noolaynta burcad-badeedda Soomaaliyeed waxaa loo arkaa inay qayb ka tahay olole ballaaran oo lagu hurinayo xasillooni-darro goboleed iyo dagaal aan toos ahayn, kaas oo Xuuthiyiintu ku doonayaan inay ku ballaariyaan saameyntooda Afrika.
Bishii Diseembar 2023, burcad-badeed Soomaaliyeed ayaa qabsaday markab ganacsi markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017-kii, hawlgalkaas oo ku soo beegmay weerarradii ugu horreeyay ee Xuuthiyiinta ku qaadeen maraakiibta maraysa Badda Cas.