Hogaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo goor dhow shir uga furmaya Kismaayo

Khamiis, December 18, 2025 (HOL) - Shir ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaal mucaarad ah oo dhaliilsan Dowladda Federaalka ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Kismaayo, iyadoo uu taageero ka helayo maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Shirkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la mideeyo mowqifyada siyaasadeed ee mucaaradka, lana dejiyo istaraatiijiyad wadajir ah oo ku saabsan arrimaha qaran ee mudnaanta leh, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka dalka, sida ay sheegeen xubno kamid ah Mucaaradka.

Qabanqaabiyeyaasha shirka ayaa tilmaamay in kulankan uu daba socdo baaqyo hore oo ay jeediyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo ku saabsanaa wada-hadal iyo wadatashi siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Inta lagu guda jiro shirka, ka qeybgalayaasha ayaa la filayaa inay soo bandhigaan ajendayaashooda siyaasadeed, isla markaana ay caddeeyaan dalabkooda ku wajahan Dowladda Federaalka. 

Doodaha ugu waaweyn ayaa si gaar ah diiradda u saaraya arrimaha doorashooyinka, xilli ay dowladdu waddo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee ku saleysan hal qof iyo hal cod.

Shirka Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalaya xubno kala duwan oo ka kala socda bulshada rayidka ah, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyo masuuliyiin hore oo xilal sare ka soo qabtay dowladda. Waxaa sidoo kale madashaan ku casuuman madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul-wasaarayaal hore, iyo siyaasiyiin caan ah oo kale.

Shirkan ayaa la qorsheynayaa inuu soo gabagaboobo maalinta Sabtida ah, iyadoo la filayo in la soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo lagu faahfaahin doono qodobbada lagu heshiiyay iyo talooyinka ay mucaaradku soo jeedinayaan.