
Arbaco, December 3, 2025 (HOL) - Mas’uuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa sheegay inay jiraan warar rasmi ah oo sheegaya in waaxda socdaalka Mareykanku ay wado howlgal ballaadhan oo lagu badhtilmaameedsanayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis iyo St. Paul, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu maalmihii u dambeeyay kordhiyay weerarrada afka ee uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed.
Warbixin uu New York Times daabacay ayaa lagu sheegay in in ka badan 100 askari oo ka tirsan laanta socdaalka lagu wado inay ka degaan gobolka si ay u badhtilmaameedsadaan dadka Soomaaliyeed ee aan haysan dukumeenti sax ah.
Duqa Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in hadday dhacdo in la badhtilmaameedsado bulshada Soomaaliyeed ay “si buuxda” u garab istaagi doonaan.
Frey oo ka hadlayay warbaahinta ayaa sidoo kale si adag u dhaliilay hadallada Trump, uu Talaadadii ku sheegay kulanka golihiisa wasiirrada in “Soomaalidu yihiin qashin” isla markaana aanu rabin “inay dalka joogaan.” Duqa magaalada ayaa sheegay in booliska Minneapolis aanay ka qayb qaadan doonin howlgal kasta oo federaal oo la xidhiidha arrimaha socdaalka, isaga oo ku tilmaamay hadallada Trump “kuwo lagu cadowsanyo bulsho dhan”.
Minnesota waxaa ku nool in ka badan 80,000 oo Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan degan gobolka Magaalooyinka Mataanaha ah. Frey ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay gobolka ku leeyihiin “hanti dhaqaale iyo dhaqan”, isla markaana ay muddo dheer qayb ka ahaayeen bulshada Mareykanka.
Waxa uu tilmaamay in inta badan Soomaalida ku nool Mareykanka ay yihiin muwaadiniin sharciyeysan, isla markaana uu ka baqayo in howlgalada lagu beegsado dad sharci ku jooga dalka.
Weeraradii ugu dambeeyay ee Trump
Bishii hore, Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu joojinayo ilaalinta kumeel-gaadhka ah ee TPS ee Soomaalida ku nool Minnesota, isaga oo ku eedeeyay “budhcadnimo” iyo inay gobolka khatar ku yihiin, eedahaas oo ay si adag u beeniyeen mas’uuliyiinta gobolka.
Kulanka golaha wasiirrada Talaadadii ayuu mar kale ku celiyay hadallo naceyb muujinaya, isaga oo sheegay in Soomaalidu “aanay wax ku soo kordhin dalka” isla markaana ay soo kharibeen dalkoodii”.
Afhayeenka Aqalka Cad Abigail Jackson ayaa difaacday madaxweynaha, iyada oo sheegtay inuu “si sax ah u tilmaamay dhibaatooyinka ay keeneen muhaajiriinta Soomaalida oo ay ku tilmaantay halis.”
Duqa St. Paul Melvin Carter, oo ah duqii ugu horreeyay ee madow ee magaaladaasi yeelato, ayaa sheegay hadallada Trump inay yihiin cunsuriyad iyo nacayb ajnabi, xilli la soo warinayo in askar ka socda waaxda socdaalku ay weerareen shacab Soomaaliyeed oo sharci haysta.