Trump oo Hadallo Ceebayn iyo Cunsurinimo ah u Jeediyay Soomaalida ku Nool Maraykanka

Arbaco, December 3, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale ku celiyay hadallo naceyb iyo kala-sooc ku dhisan oo uu si toos ah ugu weeraray bulshada Soomaalida ee ku nool dalkaas, isaga oo ku tilmaamay “qashin” aan mudnayn  in lagu soo dhaweeyo Maraykanka.

Trump, oo ka hadlayay dhamaadka kulan golaha wasiirrada ah oo laga baahiyay telefishanka, ayaa sheegay in Soomaalidu yihiin dad “ka yimaadda meel aan waxba oolin oo haddana cabasho badan.”

“Markay ka yimaadaan jahannaba oo ay halkan yimaadaan iyaga oo cabanaya, waxna aan qaban, annagu ma rabno, haku noqdaan dalkooda oo ha hagaajiyaan” ayuu ku sii daray hadalkiisa isagoo Madaxweyne Ku-xigeen JD Vance uu miiska garaacayay si uu u garab istaago hadallada Trump.

Hadalladan oo noqday kuwii ugu adkaa ee uu ku weeraro bulsho qaxooti ah, ayaa argagax iyo cadho ku abuuray dad badan, iyada oo lagu tilmaamay weerar guud oo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku dhaqan. Trump waxa uu sidoo kale aflagaadeeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar - oo ah haweeney Soomaali ah oo laga soo doorto Minnesota - isaga oo ku sheegay “qashin,” inkastoo ay tahay muwaadin Maraykan ah oo dalka ku nool muddo ku dhow rubuc qarni.

“Dalkeennu wuxuu u socon doonaa jiho khaldan haddii aynu sii wadno qaadashada qashin,” ayuu yidhi Trump. “Iyadu waa qashin. Saaxiibadeed waa qashin. Kuwan ma aha dad shaqeeya. Ma aha dad yidhaahda ‘Aan dalkaan dhisno.’” Afhayeenka Ilhaan Cumar, Jacklyn Rogers, ayaa hore u sheegtay in xildhibaanaddu “ay u aragto in Trump uu xanuun daran ka qabo,” isla markaana ay rajeynayso “in uu helo gargaarka uu u baahan yahay.”

Weerarkan Trump ku qaaday Soomaalida ayaa loo arkaa mid qayb ka ah istiraatijiyaddiisa siyaasadeed oo u badan in uu falanqeeyo oo uu buunbuuniyo arrimaha socdaalka marka uu wajahayo cadaadis siyaasadeed ama mushkilado kale oo xukuumaddiisa haysta.

Maalmahan, waxa uu Trump cadaadis kala kulmayay arrimaha sicir-bararka iyo ololeyaal sharci oo la xidhiidha duqeymo lagu badhtilmaameedsaday maraakiib ku sugnaa gobolka Caribbean-ka.

Bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka waxa ay dhacdadan u arkeen weerar kale oo ka dhan ah sharafkooda, xuquuqdooda iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan dhismaha dalka ay hadda muwaadiniinta ka yihiin.