4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2023
Beesha caalamka oo walaac xooggan ka muujisay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood
 

Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Beesha caalamka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin rabshadaha magaalada Laascaanood ka socda, kuwaas oo sababay dhimashada dad ay ku jiraan carruur.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayaa waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, lana ilaaliyo dadka rayidka ah, islamarkaana aan la carqadalayn gargaarka bani'aadamnimo ee kuwa dhibaataysan.

Beesha caalamka waxay soo jeediyeen in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal nabadeed iyo isfahan.

Baaqa beesha caalamka ayaa kusoo aaday, kadib 12 saac oo xidhiidh ah oo uu maanta dagaal ka socday magaalada Laascaanood.

Dagaalka waxaa ka dhashay xaalad bini’aadinimo oo aad u xun, iyadoo ay istaageen inta badan adeegyadii bulshada, kadib markii ay waxyeelo xooggan gaareen xarumihii korontada iyo biyaha bixin jiray.

Dad badan oo ku dhaawacmay ama ku dhintay dagaalka ayaa loo kala daad guraynayay isbitaalada ka durugsan magaalada Laascaanood, kadib markii isbitaalkii Laascaanood ay ku dhaceen hoobiyayaashii dagaalka la isku adeegsanayo.