4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2023
Puntland oo ku eedeysay somaliland inay xasuuq ku hayso shacabka Laascaanood
 

Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa cambaareeyay xasuuq ay sheegeen inay ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos yimaada.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, ayaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay, in Somaliland ay ku tilmaamaan shacabka magaalada Laascaanood iyo hogaankooda dhaqanka ay yihiin Argagixiso.

Puntland waxay sheegtay in aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay inuu dagaalku yahay, dagaal shacabka reer Laascaanood ay isaga difaacayaan duullaan ay ku hayaan Ciidamada Somaliland.

Puntland waxay ku celisay inay soo dhaweynayso in dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan.

Hadalka Puntland ayaa kusoo aaday xilli Somaliland ay ku eedeeyeen Puntland inay qeyb ka tahay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxayna sheegeen inay gacanta ku dhigeen maxaabiis ciidan.