4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2023
Garaadada Laascaanood oo bogaadiyay dowlada Soomaaliya
 

Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Isimadii Laascaanood shirku uga socday ayaa dowlada Soomaaliya ku bogaadiyay taageerada ay u muujisay qodobadii shirkooda kasoo baxay.

Garaad afka isimada ku hadlay, ayaa dowlada Soomaaliya uga mahadceliyay taageerada ay u muujisay qodobadii kasoo baxay shirka garaadada ee Laascaanood.

"Aad aad ayaanu ugu faraxsanahay in ay dowladu soo dhawaysay go'aamadii kasoo baxay shirkii garaadada SSC, waanu taageerayna waxaanu leenahay waad mahadsantihiin, madaxweynaha, wasiirka arrimaha guddaha iyo dhamaan xukumada arrinta waa ku bogaadinaynaa".

Dhinaca kale, Ciidamada Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay dagaal magaalada kusoo qaadeen subaxdii hore ee saaka, isla markaana ay madaafiic ku garaaceen, goobo dad rayid ahi daganyihiin, isagoo sheegay in madaafiic kusoo dhacday isbitaalka Laascaanood.

Xukuumada Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamada garaadada taageersan, ciidamo Puntland ka yimid iyo kooxo argagixiso ah oo anay carabaabin ay weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamada.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka maanta ka dhashay, dhawaqa rasaasta ayaa la maqlayaa isla markaana adeega korontada ayaa ilaa shalay ka maqan magaalada Laascaanood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]