4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay rabitaanka iyo go’aanada kasoo baxay dadka reer Laascaanood
 

Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horraysay waxay sheegtay inay soo dhowaynayso rabitaanka iyo go’aanada kasoo baxay dadka reer Laascaanood.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato xallinta qalaalasaha ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasaaradda arrimaha gudaha waxay sheegtay in Dowladdu ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta iyo dhowrista midnimada dadka Soomaaliya.

Waxay dowladdu sheegtay in xaaladda magaalada Laascaanood ay saldhig u tahay tixgalinta rabitaanka dadka.

Hadalka dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aaday xilli uu magaalada Laascaanood ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.