3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2023
Kenya oo sheegtay hab la mid ah Soomaaliya inay dadkeeda rayidka ka qeyb galayaan dagaalka Al-Shabaab
 

Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa waxay qorsheynaysaa inay ka qayb-geliso ciidamada kaydka ah ee booliiska deegaannada ay Alshabaab ku badan yihiin ee waqooyiga Kenya si loo billaabo howlgallo cusub.

Qorshahaan waxaa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki, isagoo socdaal dhanka amniga ah ku marayay degmada Mandheera ee waqooyi Bari.

Prof Kindiki ayaa sheegay in Kenya ay qaadan doonto hab la mid ah Soomaaliya oo ah in dadka rayidka ah ay ka qeyb qaadaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaabka dhibaatada ka wada gobolada Waqooyi Bari, Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa.

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee gobolka inay la fariistaan madaxda siyaasadda ee gobolkan, dhammaan hay'adaha dowladda ee halkan ka shaqeeya si ay u dajiyaan qorshe ay hagi doonaan hoggaamiyeyaasha bulshada iyo odayaasha beelaha si loo hubiyo in aan bilowno howlgal ka dhan ah Alshabaab. Tan waxaa lagu sameeyay Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku sameyn karnaa halkan,” ayuu yiri Prof Kindiki.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay dagaalka lagula jiro argagixisanimada in lagu guuleysan karaa oo kaliya haddii bulshada deegaanka ay qaataan doorka hoggaamineed ee dagaalka.

"Dowladdu waxay siin doontaa taageerada lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in howlgalku uu guulaysto, laakiin waa inaad qaadataan doorka hoggaamineed, sababtoo ah si fiican ayaad isu garanaysaan," ayuu Kindiki ka sheegay shirka wadatashiga amniga ee odayaasha beelaha.

Prof Kindiki wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay shaqaaleysiin doonto ciidammo kayd ah oo badan oo ka barbar shaqeeya hoggaamiyeyaasha bulshada ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab.

Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya ayaa ku qasbay dagaalamaayasha Alshabaab in ay gudaha u galaan qeybo ka mid ah dalka Kenya oo ay gabaad ka dhigtaan magaalooyinka Mandheera, Wajeer, Gaarisa iyo Lamu.












Click here
2/3/2023 12:11 PM EST
Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa gabi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaantay Urur la magac baxay Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharci ahayn.

2/3/2023 6:29 AM EST
Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

2/3/2023 2:19 AM EST
Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Raysal wasaarayaal hore, guddoomiyayaal barlamaan oo hore, Wasiiro hore, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa dowladda federalka ugu baaqay in ay caddeyso mowqifkeeda ku saabsan qaddiyada shacabka SSC.

2/3/2023 1:14 AM EST
Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Xisbiga Jamhuuriga ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee golaha Koongareeska Maraykanka, taasoo muujineysa xiisadda ka dhex aloosan Dimquraadiga iyo Jamhuuriga.

2/3/2023 1:05 AM EST
Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Cabdullaahi Xadeed Cali Mire oo katirsanaa ururka Daacish ayaa iskusoo dhiibay ciidamada amniga Puntland.