4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo safarkii labaad labo todobaad gudaheed ku tagay Baydhabo
 

Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Safarka Madaxweynaha oo ah kii labaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo muddo 11 maalmood gudahood ah ayaa lagu sheegay inuu ku saabsan yahay xaqiijinta sidii uu miro dhal u noqonlahaa shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo uga socda, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu soo xiro madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, islamarkaana go’aano lagusoo afjarayo qalalaasaha ka dhashay muddo kororsiga maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shirkaan isagu horey ugu baaqay, ayaa rajo weyn ka qaba inuu guul kusoo dhamaado.

Guddoomiye Madoobe oo horey Baydhabo ugu sugnaa ayaa kulamo looga hadlayay dardargelinta shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed la qaatay madaxweyne Lafta Gareen iyo golihiisa wasiiradda.