4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2023
Xubin katirsanaa ururka Daacish oo iskusoo dhiibay Puntland
 

Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Cabdullaahi Xadeed Cali Mire oo katirsanaa ururka Daacish ayaa iskusoo dhiibay ciidamada amniga Puntland.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka PSF ayaa lagu sheegay inuu ninkan tagay degaanka Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna sheegay inuu kasoo goostay kooxda Daacish.

PSF ayaa ugu baaqday cid kasta oo katirsan ururada Daacish iyo Alshabaab inay iskusoo dhiibaan laamaha amniga ee Puntland.

Isisoo dhiibada ninkan ayaa kusoo aaday todobaad kadib markii uu Maraykanku duqayn ku dilay sarkaal lagu magacaabo Bilaal Alsuudaani, oo katirsanaa Daacish.

Sarkaalkan oo lagu dilay gobolka Bari ayaa la sheegay inuu muhiim u ahaa isku xirka Daacishta ku sugan gudaha Soomaaliya iyo Daacishta dibbeda ku sugan.

Daacish ayaa xarumo qarsoodi ah ku leh gobolka Bari, halkaas oo ay kasoo abaabulaan weeraro ka dhan ah ciidamada amniga Puntland.

Todobaadyo ka hor waxay soo weerareen degaanka Balidhidhin, halkaas oo looga dilay sarkaal sare.