3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2023
Wasiir Kaahin: Nabadgalyada Laascaanood cidna kusii dayn mayno
 

Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadu anay ogolaaynayn in nabadgalyada Laascaanood ay khal-khal gasho.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasinada xuska 29 guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidamada millateriga oo lagu qabtay Laascaanood, ayaa sheegay in anay ogolaanayn cidkasta oo iskudayda in ay dhibaatayso shacabka magaalada.

"Waajibaadka qaran ee ina saarani waxa weeyi in aynu ilaalino nabadgalyada Laascaanood, nabadgalyada Laascaanood cidna kusii dayn mayno doonaysa maatida iyo shacabka in ay dhibaatayso, waynu ka qabanaynaa, waynu ka horjoogsanayna dadka shicibka ahna waxaynu leenahay walaalayaal sabab idin qixisa ma jirto" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Kaahin waxa uu sheegay in garaadada Laascaanood fadhiya ay ka rajaynayaa wixii lagu yaqaanay abayaashood oo ah ka talinta nabada, waxa uu sheegay in ay ogolaadeen in magaalada lagu dhexqaato calanka Soomaaliya si looga fogaado qalalaase iyo dhibaato.

Sidookale waxa uu sheegay in ciidamada garaadada soo dhawaynayay ay ahaayeen ciidamo deegaanka ah, oo ay ilaalinta salaadiinta u xilsaareen saraakiisha reer Laascaanood ee ciidanka ka tirsan.

Dhinaca kale, shirka garaadada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa ka socda Laascaanood, goobta shirka ayaa lagu sharaxay calamada Soomaaliya iyo Khaatumo, waxaana loo dhagtaagayaa waxa kasoo baxa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/2/2023 9:10 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ee shirku Laascaanood uga socdo, ayaa sheegay in anay aqbalayn dhexdhexaadin madaxweynaha Jabuuti.

2/2/2023 6:38 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay'adda Transparency International (TI).

2/2/2023 4:40 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in ciidanka magaalada Laascaanood looga saaray si anay dadku u dareemin cabudhin.

2/2/2023 4:33 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ee ku sugan Xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

2/2/2023 3:09 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Laascaanood.

2/2/2023 1:31 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya.

2/2/2023 1:09 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada Geeska Afrika uu u baahan yahay dadaal wadajir ah.