4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2022
Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala "Ciidanka deegaanka hubkan boqol jibaarkiisa ayay haystaan, mana arag meel dowladda ay hub ku siisay"
 

Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana maalmahii lasoo dhaafay ku sugna furumaha hore ee dagaalada ka socda gobolka Hiiraan ayaa beeniyay wararka sheegayay maalmahii lasoo dhaafay in dowladda Soomaaliya ay hubeyneyso beel gaar ah.

Wuxuu tilmaamay in ciidanka Macawiisleeyda ay yihiin kuwa la shaqeeyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka amar qaata, hubka ay wataana ay iyaga qabiil ahaan leeyihiin oo aysan jirin hub dowlada siisay.

"Aniga ma arag meel dowladda hub ku siisay ciidanka Macawiisleeyda ee ku sugan gobolka Hiiraan, hubka ay wataana waa hub ay ayaga leeyihiin dowladna ma hubeyn inta aad arkeysan iyo boqol jibaarkeeda ayay leeyihiin oo tuulo iyo degma kasta waxaa u yaalo hub farabadan oo waxay rabaan iney iska dulqadaan Al-shabaab, buuq iyo barabagando Al-shabaab ayaa noogu filan" ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala.

Xildhibaan Cabdimaalik ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada uu u tagay furumaha hore ee dagaalka iney tahay ka shaqeynta dowladnimada iyo in Al-shabaab laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Hiiraan, ciidamada deegaankana ay yihiin kuwa hubka u qaatay iney iska dulqaadaan Shabaab.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaanka ayaa imaanaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay si weyn isku soo tarayeen wararka la xariira in dowladda Soomaaliya ay hubeyn hayso beelo gaar ah, islamarkaana ay ka fiirsato arinkaasi, waxaana dadka fikirka qaba ka mid ahaa Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo dhaliilo adag uu kaga soo horjeedo duldhigay kacdoonka shacabka iyo ciidanka Macawiisleeyda ee ku aadan Al-shabaab.