3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2022
Dowladda oo faahfaahisay khasaraaha ka dhashay howgal ciidamada Danab ka fuliyeen deegaanka Buq aqable
 

Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalo Xalay ay ka fuliyeen deegaanka Buq aqable ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab in lagu dilay 11 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka Danab ay ka hortageen xubno ka tirsan Shabaab oo ku safraayay meel u dhaw deegaanka Buq aqable, islamarkaana looga gubay gadiid dagaal oo ay ka carareen Al-shabaab.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay gacanta ku dhigeen Buq aqable oo ka mid aheyd deegaanada gobolka Hiiraan ee dhowr iyo tobankii sano ee lasoo shaagay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

“Ciidamada Kumaandooska Qaranka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa Argagixisada Al-Shabaab ka dilay 11 halka ay ka gubeen Gaadiid, waxay ku socdaalayeen meel u dhaw Magaalada Buqaqable ee Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Buq aqable oo haatan gacanta u galay ciidamada iskaashaya ayaa noqonaya deegaankii ugu muhiimsana Al-shabaab oo ay ku lahayeen Galbeedka gobolka Hiiraan, waxaana arintan ay imaaneysa xili howgaladii Bariga gobolka Hiiraan ay noqdeen kuwa mira dhalay oo Al-shabaab looga saaray ku dhawaad 50 deegaan oo ay kaga sugnayeen Bariga Hiiraan.












Click here
9/27/2022 5:51 PM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ee Dawladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka (ICAO).

9/27/2022 11:11 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa goordhaw oo Maanta ah ku dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha cusub ee golaha wasiiradda dalka Kenya.

9/27/2022 9:56 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Xafiiska Ergayga gaarka ah ee dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dalka dib ugu soo celiyey ilaa sagaal dhalinyaro ah oo sanado badan gacanta ugu jiray Magafaha dalka Liibiya oo ay kasoo baxsadeen, kadibna tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay magaalada Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

9/27/2022 9:44 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Magaalada Gurra dhaamoole ee gobalka Liiban ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada, sida goob joogayaal ay u xaqiijiyaan Warbaahinta.

9/27/2022 6:57 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa guddoomiyaha guurtida ugu baaqay in uu xeerarka doorashooyinka ee ay soo celiyeen hor dhigo golaha guurtida.

9/27/2022 6:37 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hoyeen howlgallada amni ee Shabaab looga xoraynayo dalka.

9/27/2022 4:09 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana maalmahii lasoo dhaafay ku sugna furumaha hore ee dagaalada ka socda gobolka Hiiraan ayaa beeniyay wararka sheegayay maalmahii lasoo dhaafay in dowladda Soomaaliya ay hubeyneyso beel gaar ah.

9/27/2022 3:27 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF ay adeegsanayso gawaarida hay'adaha gargaarka, iyagoo u isticmaala howlgallada dagaalka waa sida lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Itoobiya.

9/27/2022 1:43 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaa oo uu maanta ka furmayo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysia , Dr Wee Ka Siong.

9/27/2022 1:37 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo qaaday dalka Masar si halkaas loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad ayaa soo gaaray magaalada Qaahira.

9/27/2022 1:25 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaystay inay gudaha u galaan deegaanka Buqa Aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo farriisin weyn u ahayd ururka Alshabaab.