3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2022
Dowladda Itoobiya oo TPLF ku eedeysay inay adeegsato gawaarida hay'adaha gargaarka u sida gobolka Tigray
 

Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF ay adeegsanayso gawaarida hay'adaha gargaarka, iyagoo u isticmaala howlgallada dagaalka waa sida lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Itoobiya.

War saxaafadeedkan ayaa sidoo kale digniin loogu diray hay'adaha gargaarka inay isaga fogaadaan goobaha iyo meelaha uu ka socdo dagaalku, si ay uga badbaadaan in la bar tilmaameedsado.

TPLF ayaa maalintii shalay waxay sheegtay in Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Itoobiya ay duqeeyeen gawaari xamuul ahaa oo ay lahayd WFP, kuwaas oo raashin u waday gobolka Tigray.

War saxaafadeedkan kasoo baxay dhinaca dowladda Itoobiya ayaa u muuqda mid jawaab u ah eedeyntaas, iyadoo dowladdu ay sheegtay in TPLF ay adeegsato gawaarida hay'adaha gargaarka.












Click here
9/27/2022 5:51 PM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ee Dawladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka (ICAO).

9/27/2022 11:11 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa goordhaw oo Maanta ah ku dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha cusub ee golaha wasiiradda dalka Kenya.

9/27/2022 9:56 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Xafiiska Ergayga gaarka ah ee dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dalka dib ugu soo celiyey ilaa sagaal dhalinyaro ah oo sanado badan gacanta ugu jiray Magafaha dalka Liibiya oo ay kasoo baxsadeen, kadibna tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay magaalada Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

9/27/2022 9:44 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Magaalada Gurra dhaamoole ee gobalka Liiban ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada, sida goob joogayaal ay u xaqiijiyaan Warbaahinta.

9/27/2022 6:57 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa guddoomiyaha guurtida ugu baaqay in uu xeerarka doorashooyinka ee ay soo celiyeen hor dhigo golaha guurtida.

9/27/2022 6:37 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hoyeen howlgallada amni ee Shabaab looga xoraynayo dalka.

9/27/2022 4:09 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana maalmahii lasoo dhaafay ku sugna furumaha hore ee dagaalada ka socda gobolka Hiiraan ayaa beeniyay wararka sheegayay maalmahii lasoo dhaafay in dowladda Soomaaliya ay hubeyneyso beel gaar ah.

9/27/2022 3:09 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalo Xalay ay ka fuliyeen deegaanka Buq aqable ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab in lagu dilay 11 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

9/27/2022 1:43 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaa oo uu maanta ka furmayo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysia , Dr Wee Ka Siong.

9/27/2022 1:37 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo qaaday dalka Masar si halkaas loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad ayaa soo gaaray magaalada Qaahira.

9/27/2022 1:25 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaystay inay gudaha u galaan deegaanka Buqa Aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo farriisin weyn u ahayd ururka Alshabaab.