4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2022
Masar oo kaalmadii ugu horraysay u fidisay Soomaaliya kadib booqashadii madaxweyne xasan Sheikh

Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo qaaday dalka Masar si halkaas loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad ayaa soo gaaray magaalada Qaahira.

Safiirka Soomaaliya ee Masar, Amb. Ilyaas Sheekh ayaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee qaahira, wuxuuna uga mahad celiyay Masar taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Askartan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee la garsiiyay Masar ayaa ku dhaawacmay dagaalada lagula jiro Alshabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Madaxtooyada Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in gargaarkan uu yahay mid lagu doonayo in lagu fududeeyo culeyska saaran shacabka Soomaaliyeed ee walaalahooda ah.

Dowladda Masar ayaa sidoo kale Soomaaliya usoo dirtay labo diyaaradood oo siday gargaar mucaawino ah oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan booqasho ku tagay Masar, ayaa heshiis is afgarad ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal lasoo galay madaxweynaha Masar, AbdulFatax Alsiisi

Madaxweynaha Masar ayaa isna ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo arrimaha bini'aadinimada iyo dhinacyada horumarka.