4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2022
Faahfaahin ciidamada xoogga dalka ee Danab oo gudaha u galay deegaanka Buqa Aqable
 

Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaystay inay gudaha u galaan deegaanka Buqa Aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo farriisin weyn u ahayd ururka Alshabaab.

Buq Aqable oo 40km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Buuloburte waa deegaan Istaraatiiji ah oo ay maamulaayeen aadna ugu xoogganayeen Al-Shabaab, muddo 13 sano.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sameeyay howlgal qorsheeysan oo lagu burburiyay meelaha gabaadka ay ka dhiganayen Al-shabaab, sida uu sheegay Taliye ku-xigeenka Guutada 16-aad ee Danab G/le Xasan Maxamed Cismaan.

Qabashada Buq Aqable ayaa ka dhigan guul weyn oo laga gaaray dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Alshabaab. 13 sano kadib guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horreysay safar dhul ah ku tagay degmada Buulo burte, isagoo ka safray magaalada Baladweyne.

Guud ahaan, ciidamada huwanta ayaa Alshabaab ka xoreeyay deegaannada dhaca bariga gobolka Hiiraan marka laga tago dhul kooban oo miyi ah oo ay weli ciidamadu kusii jeedaan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrah oo katirsan masuuliyiinta horkacaya dagaalka ka socda Hiiraan, ayaa sheegay in loo ruqaansanayo dhinaca galbeed ee gobolka Hiiraan.

Isagoo sheegay in la xoraynayo illaa xadka Hiiraan uu la wadaago gobolka Bakool.