4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya ganacsade caan ahaa oo goordhaw lagu dilay goobtiisa ganacsi oo ku taala Muqdisho
 

Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saakay loogu geystay goobtiisa ganacsi mid ka mid ah ganacsatada Suuqa weyn ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dableey bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney fuliyeen dilka ganacsadaha oo caan ka ahaa Suuqa weyn ee degmada Wadajir, kaasoo lagu magacaabi jiray Daahir Cabdullaahi Maxamuud loona yaqiinay Daahir Jugle.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dableyda dilka geystay oo ahaa rag dhalinyaro ah ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay ku dileen Marxuumka, waxaana dilka kadib goobta tagay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaasi baaritaano kooban ka sameeyay, walow aanan la sheegin cid ay usoo qabteen dilka loo geystay ganacsade Daahir Jugle.

Warar hoose oo ay heshay shabakada HOL ayaa sheegaya in ganacsadaha la dilay uu kasoo jeedo degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, islamarkaana uu dilkiisa la xariiro dilal la sheegay in Al-shabaab ay ku beegsanayaan dadka waxtarka u leh beelaha Habargidir iyo Xawaadle oo ay Al-shabaab beegsi ku hayaan, kadib kacdoono beelahaasi ay kala hortageen Al-shabaabkii ku sugnaa deegaanadooda.

Dilka ganacsadahaan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo loo gaysanayay nabaddoono iyo ganacsato kasoo kala jeeda beelaha Xawaadle iyo Habargidir, islamarkaana masuuliyadooda ay sheegteen Ururka Al-shabaab.