4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2022
Golaha Guurtida Somaliland oo dib u celiyay xeerarkii doorashada ee losoo gudbiyay
 

Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa dib golaha wakiilada ugu celiyay xeerka guud ee doorashooyinka Xeer Lr 91/2022 iyo  xeerka nidaamka urrurada iyo axsaabta siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Xeerarkan oo golaha wakiiladu wax ka badal iyo kaabis ku sameyay 19/ September/ 2022, ayaa golaha guurtida losoo gudbiyay 20 September, kadibna sida guurtidu sheegtay 46 xildhibaan oo kasoo horjeeda meel marinta wax ka badalka ayaa dacwad usoo gudbiyay, sidaa darteedna wakiilada ayay dib ugu celiyeen.

Xildhibaannada wax ka badalka kasoo horjeeda, oo sheegay in ay yihiin aqlabiyada golaha wakiilada, ayaa ku dooday in ansixinta wax kabadalka xeerarkan aan la waafajin xeer hoosaadka golaha, isla markaana kooramka golaha oo aan buuxin duuduub lagu ansixiyay.

Hadaba, qoraal ay golaha guurtidu ku faah faahiyeen sababta dib u celinta xeerarkan ayaa lagu yidhi "Markaanu la tashanay garyaqaanka golaha ...waxaanu go'aan sanay in wax ka badalkan khilaafku ka taaganyahay aan la horkeenin golaha dibna loogu soo celiyo golihii wakiilada".

Wax ka badalka xeerarkan ayaa ogolaanaya in la is raacin karo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada, qodobkaas oo ay ka biyo diideen mudanayaasha taageersan in doorashada urruradu soo horayso.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay golaha guurtida oo faah faahsan:-


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]