4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Taleefanka kula hadlay hoggaamiyaasha howlgalada ka socda Hiiraan iyo Galgaduud
 

Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda iyo kuwa deegaanka ee hoggaaminaya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Raysal wasaaraha ayaa wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ku boggaadiyay doorkooda hoggaamineed ee dagaalada dalka looga xureynayo Al-shabaabi

Masuuliyiinta furumaha dagaalka ku sugneyd ee uu Raysal waaaare Xamse taleefanka kula hadlay waxaa ka mid ahaa wsiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Al-Caddaala, Xildhibaan Maalik Cabdalla, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, guddoomiyaha degmada baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo hoggaamiyaha ciidanka dib u xoreynta Hiiraan Cali Cismaan Cabdi (Cali Guud).

Hoggaamiyaasha ku sugan jiidaha hore es dagaalka ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in gurmad deg deg ah ay dowladda Soomaaliya soo gaarsiiso deegaanadii ay Al-shabaab ka saareen oo ay sheegeen in baahida ugu weyn ee jirta ay tahay in la caawiyo dadka ku nool deegaanada la xoreeyay.

Raysal wasaare Xamse ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii deegaannada laga saaray Al-shabaab u heli lahaayeen gargaar bini'aadanimo iyo waliba adeegyada kale ee muhiimka ah deegaanada laga xoreeyay Shabaab.

Gabagabadii Raysal wasaare Xamse ayaa ugu baaqay masuuliyiinta kale ee aanan wali ku biirin dagaalada socda ee lagula jiro Al-shabaab iney ku biiraan dagaalka oo ay tagaan jiidaha hore ee dagaalka si looga mira dhaliyo howlgalada culus ee ka dhanka ah Al-shabaab.