4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Ururka ONLF oo sheegay inuu ka laabtay ka qaybgalka shir Wadatashi ah oo xisbiyada degaanka Soomaalida u furmaya toddobaadka soo socda
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ururka ONLF ayaa sheegay inuu gabi ahaanba ka baxay ka qaybgalka shirkii wada tashi ee maalmo ka hor ku heshiiyeen xisbiyada degaanka in la qabto.

War saxaafadeed ay saacado ka hor soo saareen Ururka ONLF ayaa lagu sheegay in Ururku uu qaadacay Shirweynihii wadatashiga ahaa ee dhawaan lagu baaqay in degaanka Soomaalida lagu qabto.

Ururku wuxuu arrintan u sababeeyay in shirweynaha laga leexiyay wadadii saxda ahayd ee uu ku soo socday iyo hannaankii loo dejiyay, waa siday War saxaafadeedka ay ku sheegeen ONLF, isagoo eedeynta oo dhan dusha ka saarey xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

Ugu dambeyn waxay War saxaafadeedka kusoo gabagabeeyeen in ONLF ayna ka qaybgalayn shirkaa wada tashi ilaa laga saxayo ayay yiraahdeen geeddi socodka shirweynaha.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay dhawr xisbi oo degaanka Soomaalida kamid ah oo uu ku jiro Ururka ONLF iyo xisbiga talada degaanka haya ee PP, waxay heshiis ku gaareen in shirweyne wada tashi lagu qabto dowlad degaanka Soomaalida, shirweynahaas oo lagaga tashanayo masiirka ummada Soomaalida ee ku nool dowlad degaanka Soomaalida.

Weli dowladda iyo xisbiyadii kale ka maysan hadlin warkan kasoo baxay Ururka ONLF ee ah inay isaga hadheen shirweynihii loo ballansanaa inuu degaanka ka dhaco dabayaaqada bishan.

ONLF waxay horey u qaadaceen shirweynihii wada tashi ee heer federal, iyagoo shirweynahaa ku eedeeyay in loo maareeyay qaab aan u cuntamin ONLF iyo shacabweynaha dowlad degaanka Soomaalida.