4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Maraykanka oo shaaciyay inuu bixiyay 700 milyan oo dollar oo lagu caawinayo Soomaaliya
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay bixisay in ka badan 700 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka abaareed ee waxyeeleeyay ​​kala bar dadka Soomaaliyeed.

War lagu faafiyay bogga safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya,  ayaa lagu sheegay in dhaqaalahan Soomaaliya loosii marsiiyay hay'addaha kala ah OCHA iyo USAID si ay si degdeg ah u kordhiyaan dadaallada gargaarka ee abaaraha ka jira Soomaaliya.

Maraykanka ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya ka taageera arrimaha gargaarka iyo amniga. Waxay dowladda Maraykanku dhawaan sheegtay inay sii xoojinayso caawinta Soomaaliya.

Bixinta dhaqaalahan ayaa kusoo aaday xilli in ka badan 7 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ay abaartu saameysay, halka in ka badan labo milyana ay ku barakaceen abaarta sii xooggaysanaysa.

Waa abaartii ugu adkayd ee Soomaaliya soo marta muddo 40 sano ah kadib, waxayna si isku mid ah u saameysay gobolada dalka oo dhan.