4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan la qaatay xoghayaha difaaca Maraykanka
 

Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington, xoghayaha difaaca dalka Maraykanka, Lloyd James Austin.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay xoghayaha difaaca dowladda Maraykanka Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay xoghayaha difaaca Maraykanka dadaallada ciidanka xoogga dalka ay kaga xoreynayaan Alshabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado Alshabaab.

Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd James ayaa sheegay Maraykanka inay ka go'an tahay adkeynta xiriirka labada dowladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee arrimaha bini'aadannimada, tababaridda Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay dalka Maraykanka tan iyo markii afar bilood ka hor dib loo doortay, ayaa ka qeyb galaya shirka Qaramada Midoobay.