3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2022
Bulshada ku nool magaalada St. Cloud oo iska aruuriyay lacag dhan 70.000 oo doolar oo qeyb ka ah Gurmadka Suuqa Waaheen

Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Bulshada ku dhaqan magaalada St. Cloud iyo nawaaxigeeda ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa iska aruuriyay aduun lacageed oo gaaraya 70,000 oo doolar oo ay ugu talo galeen iney uga qeyb qaataan gurmadka loo sameynaayo dadkii ku hanti beelay dabkii baabi'iyay Suuqii weynaa ee magaalada Hargeysa ayaa waxay ku wareejiyeen hay'adda Haro oo gaarsiin doonto guddiga gurmadka Musiibadii Suuqa Waaheen.

Sheekh Nuux oo ka mid ah Culimada ugu caansan magaalada St. Cloud ayaa uga mahadceliyay bulshadii ka qeyb qaadatay taageerada loo fidanaayo dadkii ku hanti beelay dabkii baaba'shay Suuqa Waaheen, isagoona sheegay in bulshada St. Cloud ay yihiin kuwa mar walba wanaaga jecel oo ka qeyb qaata howlaha gargaarka.

Sheekh Cabdinuur ayaa dhankiisa sheegay in ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii Suuqa Waaheen ay ahayeen dad iimaan leh oo kaashaday iimaankooda iyagoo ku khasaaray lacago badan oo gaaraya 500 oo kun, 300 oo kun oo doolar iyo lacago kale.

"Waxyaabaha isoo jiitay waxaa ka mid ahaa in aan arkay ganacsatada muqaalo laga soo duubay ayagoo ku imaansan waxii ku dhacay oo waxaan arkaayay rag iyo dumar leh 500, 300 oo kun oo doolar baa inaga gubatay hadana leh alaxdulilaah, waana wax lagu farxo in dadka imaankoodu uu sareeyo oo ku tuseysa sidey ilaah ugu xiran yihiin" ayuu yiri Sheekh Cabdinuur.

Qaar ka mid ah waxgaradka magaaladaasi oo ayaa kula dardaarmay duqa magaalada Hargeysa inuu si caadalad ah ugu dhiso dadkii ganacsiyadooda uga gubteen Suuaa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Bulshada Soonaaliyeed ee ku kala nool daafaha Caalamka ayaa si dareen leh uga falceliyay Musiibadii ka dhacday Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo dhamaantiis ku basbeelay dab ka dhex kacay suuqaasi, waxaana gurmadyo kala duwan u sameeyay dadkii ku khasaaray suuqaasi Shacabka Soomaaliyeed oo muujiyay isku duubni iyo dowladdo kale oo daneeya arrimaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/8/2022 3:05 PM EST
Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Guddiga isku-dhafka ee soo diyaarinta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta diiwaan-geliyay toban kamid ah musharraxiinta xilka Madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya.

5/8/2022 11:14 AM EST
Axad, May, 8, 2022 (HOL) -Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab ayaa shaaca ka qaaday in Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee sanadkan uu halis ugu jiro inuu baaqdo.

5/8/2022 10:50 AM EST
Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 -aad ee dalka Soomaaliya ayaa goordhaw go'aan rasmi ah kasoo saaray murankii ka taagnaa maalmahii lasoo dhaafay sharci ahaan shiyaha Xildhibaanadda lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey ee gobolka ee Gedo.

5/8/2022 7:52 AM EST
Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Dad aan haybtooda la aqoonsan, ayaa caga julayn iyo baqo galin joogto ah ku haya, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, sida uu sheegay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

5/8/2022 7:25 AM EST
Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxay kusoo bandhigtay dagaalamyaal kasoo goostay kooxda Alshabaab, iskuna soo dhiibay gacanta Dowladda Soomaaliya.

5/8/2022 7:05 AM EST
Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista madaxweynaha ku xigeenka Puntland uu ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasirradda.

5/8/2022 4:21 AM EST
Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si rasmi ah uga bilaabatay diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

5/8/2022 1:23 AM EST
Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Hoos u dhac la taaban karo oo ku yimid adeegsiga duqeymaha Mareykanka ee lagula dagaalamo Al-Shabaab ee Soomaaliya, ayaa keentay in ay yaraato warbixinnada khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya, sida lagu sheegay warbixin cusub.

5/8/2022 1:17 AM EST
Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya.