Nabadoonadda gobolka Mudug oo ka horyimid tallaabooyinka madaxweyne ku xigeenka Puntland

 

Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista madaxweynaha ku xigeenka Puntland uu ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasirradda.

newsinsideWar murtiyeed kasoo baxay nabadoonadda ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka madaxweyne ku xigeenka Puntland uu qaadayo ay lid ku yihiin jiritaanka iyo wada noolaanshaha reer Puntland.

Waxay ku eedeeyeen Axmed Karaash inuu ka wado gobolka Bari, shirar lagu kala dhantaalayo midnimada Punlland, waxayna tilmaameen inuu madaxweye ku xigeenku qaadayo masuuliyadda ka dhalatay tallaabooyinka uu qaadayo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]