4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2022
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya "Waxaa khatar ku jira sanadkaan qabsoomida Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Dalka"
 

Axad, May, 8, 2022 (HOL) -Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab ayaa shaaca ka qaaday in Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee sanadkan uu halis ugu jiro inuu baaqdo.

Wasiir Cabdullaahi Carab ayaa sheegay in wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya laga la’yahay lacagihii lagu qaadi lahaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanadkaan laga qaadi lahaa ardayda dhameysatay Waxbarashada Dugsiga Sare.

Waxuu intaasi ku daray Wasiirka Waxbarashadda in Wasaaradda Maaliyada wali lagu leeyahay lacagahii sanadkii hore lagu qaaday Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo ay qaado dowladda Fedaraalka, islamarkaana ay ku maqan tahay lacagahii Macalimiinta.

"Waxaan cadeynaya in Imtixaanka Ardayda Soomaaliyeed aan laga damqaneynin, khatarna loogu jiro in sanadkaan laga qaadi waayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare, maadama Wasaaradda Maaliyadda laga la'yahay lacagahii lagu qaadi lahaa Imtixaanka iyo tan Macalimiinta iskuuladda ay dowladda maamusho oo waliba ay kusii maqan tahay lacagahii sanadkii hore lagu qaaday Imtixaanaadka" ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab.

Hadalkaan kasoo baxay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili la joogo waqtigii Wasaaradda Waxbarashada ay qaadi jirtay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee dalka.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online