4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2022
Ciiddanka xoogga dalka oo Baarddheere kusoo bandhigay dagaalamayaal kasoo goostay Alshabaab

Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxay kusoo bandhigtay dagaalamyaal kasoo goostay kooxda Alshabaab, iskuna soo dhiibay gacanta Dowladda Soomaaliya.

Hay’adda nabad sugida ayaa sheegtay in Ibraahim Xasan Cabdi iyo Siidoow Xasan Cali oo muddo ka barbar dagaalamayayay kooxda Alshabaab, ay soo gaba-gabeeyeen safarkoodii kasii mid ahaanshaha Alshabaab.

NISA ayaa sheegtay in isisoo dhiibayaasha ay ugasoo baxeen Alshabab kadib markii ay kala kulmeen dhibaatooyin badan.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Alshabaab ay kasoo goostaan dagaalayaal kuna biiraan dowladda, hase ahaatee gobolka Gedo ayaa kamid ah meelaha bilihii ugu dambeeyay ay aad usoo kordhayeen isisoo dhiibida Alshabaab.

Taliska ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa askari kasta oo hub kalasoo goosta Alshabaab  ugu beddelayay lacag caddaan ah oo looga iibsanayo hubka uu lasoo goostay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]