4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Guddoomiyaha golaha shacabka oo soo dhameystiray xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha
 

Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan  Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo dhameystiray sadddex xubnood oo ka dhimanaa guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Saddexdan xubnood ayaa lagu dhameystiray 8 xubnood oo horey guddoomiyuhu usoo magacaabay, kuwaas oo ay isku biirayaan 6 xubnood oo aqalka sare uu soo magacaabay maanta.

Guddiga doorashada oo hadda ka kooban 17 xubnood ayaa si wadajir ah u diyaarindoona doorashada madaxweynaha, waxayna tallaabada ugu horraysay ka bilaabi doonnaan diyaarinta habraaca doorashada madaxweynaha. 

Guddigaan ayaa marka ugu horreysa dhexdooda iska dooran doona guddoomiye, sida uu qabo xeer hoosaadkooda, waxayna kadib si toos ah usii ambaqaadi doonaan howlaha culus ee horyaala, oo shaacinta jadwalka doorashada madaxweynaha iyo sharuudaha musharraxiinta.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]